Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252
Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46
7- July-2023
Maxay tahay walaaca laga muujiyay daahfurnaanta baaritaanka iyo sida loogu kalsoonaan karo xafiiska hantidhowrka oo loo arko in hadba madaxweynaha xilka haya in uu saameyn ku leeyahay.
Waxaa walaac laga muujiyay daahfurnaanta baaritaanka iyo sida loogu kalsoonaan karo xafiiska hantidhowrka oo loo arko in hadba madaxweynaha xilka haya in uu saameyn ku leeyahay. Dadka la eedeeyay qaarkoodna waxay kiiskan ku tilmaameen mid siyaasadeed oo lagu bartilmaameedsanayo dad gaar ah xilli aysan Soomaaliya lahayn hay’adda La-dagaalanka Musuqmaasuqa oo madaxbanaan.
Daahir Maxamed Maxamuud oo ah khabiir horey uga tirsanaa Wasaaradda Cadaaladda waxa uu duray jiritaan la’aanta hay’adda qaran oo qaabilsan la dagaalanka musuqmaasuqa.
“Waxaa xeer-ilaalinta u gudbiyay kiiskan hay’ad aan ahayn tan musuqmaasuqa. Sidaa darteed lama dhihi karo baaris musuqmaasuq ayey ku yimaadeen ee waxaa la dhihi karaa waxay ku yimaadeen hab kale oo ah isla xisaabtan,” ayuu yiri Daahir.
Waxa uu intaa ku daray in Xeer-ilaalintana looga baahan yahay in ay hayso caddaymo buuxa ka hor inta aysan eedeyn ku soo oogin dadka magacyooada la shaaciyay.
Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay magacyada Sideed iyo toban qof oo saraakiil dowladeed ah, kuwaas oo ku eedeysan musuqmaasuq iyo lacago ka maqan dowladda. Sagaal ka mid ah dadkaas ayaa eedeysan hadda, halka sagaal kale na la eedeeyay iyaga oo dalka ka maqan.
Dadkaas waxay ku eedeysan yihiin lacag dhan kow iyo labaatan malyan oo doolar, sida uu shaaciyay hantidhowrka iyo xeer-ilaaliyaha Soomaaliya.
Sidee lagu ogaaday lacagta maqan, baaritaanka muddo intee la eg ayuu socday?
Hantidhowraha Soomaaliya Axmed Ciise Guutaale oo xilkan loo magacaabay bishii Febraayo ee sanadkan waxa uu baaritaankan lagu ogaaday in lacagta kow iyo labaatanka milyan ah ee ka maqan khasnada dowladda uu shaaciyay isaga oo xilka haya wax ka yar shan bil oo buuxda.
Kiiskan oo ah kii ugu weynaa ee musuq ee abid dad loogu maxkamadeeyo Soomaaliya waxaa lagu ogaaday baaritaan qaatay wax aan ka badneyd saddex bil, oo uu xilka hayay hantidhowraha cusub Axmed Guutaale oo ay BBC arrinkaas wax ka weydiisay waxa uu ku dooday in mudadaas kooban ay tahay mudda sharciga ah ee xafiiskiisu baaritaan ku sameyn karo.
“Muddo baaris lagu sameyn karo ee sharci oggol yahay waa 15 maalmood uguna badan tahay 90 maalmood,” ayuu yiri hantidhowraha.
Maxay tahay lacagta maqan, halkeese ku maqan tahay?
Hantidhowraha guud ee Soomaaliya Axmed Ciise Gutaale waxa uu BBC u sheegay in khasnada dowladda laga waayay lacga dhan kow iyo labaatan milyan oo doolar.
Lacagtaas ayaa la waayay intii u dhexeysay bishii maarso 2018 ilaa 19 Abril 2023. Waa mudadii ay shaqeyneysay dowladdii madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, iyo bil iyo dhowrkii maalin ee ugu horreeyay xil-heynta madaxweyne Xasan Sheekh.
Hantidhowrka waxa uu sheegay in lacagtaas ku maqan tahay Waaxda bixinta ruqsadda shaqada ee shaqaalaha shisheeyaha ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada,
Waaxda kordhinta dal ku joogga shisheeyaha ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Waaxda adeegga shaqaalaha shisheeyaha ee Wasaaradda Maaliyadda, Waaxda adeegga shaqaalaha shisheeyaha ee Bankiga Dhexe Soomaaliya iyo Waaxda adeegga shaqaalaha shisheeyaha ee Xafiiska Xisaabiyaha Guud.
Baaritaanka uu ugu yeeray hantidhowrka ‘Fatash’ waxaa lagu sheegay in lacagtaas oo ka soo xarootay adeegyada wasaaradaha iyo hay’adda la magacaabay in aysan ku dhicin khasnadda dhexe ee dowladda.
Maxay ka yiraahdeen dadka la eedeeyay
Sagaal ka mid ah dadka la eedeeyay ayuu sheegay Xeer-ilaaliyaha Qaranka inay ka maqan yihiin Soomaaliya.
Dadkaas waxaa ka mid ah Agaasimaha xilka haya ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Cabdulqaadir Cilmi Cali iyo agaasimihii ka horreeyay Dr Maxamed Aadan Koofi. Labada si weyn ayay u beeniyeen eedaha loo jeediyay oo ay ku tilmaameen kuwa siyaasadeed.
Korneel Maxamed Koofi oo ah sidoo kale murashax u tartamaya xilka madaxweynenimada Galmudug ayaa ku tilmaamay eedaha “arrin la doonayey in dad gaar ah lagu beegsado”, isaga oo si gaar ah farta ugu fiiqay rag uu ku sheegay inay ku wada loolamayaan doorashada Galmudug.
Isagu ma magacaabin, laakiin waxaa la rumeysan yahay in Mahad Salaad oo ah taliyaha hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya, oo si weyn ugu dhow madaxweyne Xasan Sheekh in uu isagu na u sharaxan yahay madaxweynenimada Galmudug.
“Looma socdo la dagaallan musuq iyo in dawladnimo iyo hanti dawladeed la ilaaliyo, waxa loo socday waxay ahayd in dadka la xagxagto,” ayuu Koofi sii raaciyey.