12- October 2023- BBC”
Afhayeen u hadlay Pentagon-ka oo lagu magacaabo Patrick Ryder ayaa sheegay in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Mareykanka ee ku howlan xoreynta la haystayaasha ay gaareen Israa’iil, sida uu sheegay maamulka warbaahinta Israa’iil.
Sida laga soo xigtay maamulka Israel, Ryder wuxuu intaa ku daray in u dirida markab diyaaradeed qaada oo Mareykan ah oo gaaray dhinaca bariga Mediterranean-ka ay tahay “farriin ka hortag ah oo ku socota Hezbollah iyo Iran inaysan faragelin dagaalka,” isagoo xusay in markabkan uu leeyahay “basaasiin, kormeer, iyo awood jawaabeed. ”
Waxa uu sheegay in Washington ay uga tagi doonto dagaalyahanada F-35 ee gobolka, ayna xoojin doonto dagaalyahanada F-16 iyo F-15 si loo xaqiijiyo helitaanka fursado kala duwan, waa sida uu hadalka u dhigay.
Maxay yihiin Ciidamadda Delta.
Delta Force waa unug hawlgalo gaar ah oo ka tirsan Ciidanka Maraykanka oo diirada saaraya ugu horrayn xoraynta la haystayaasha iyo la dagaallanka “argagixisanimada,” iyo inta badan hawlgalladooda.
Qeybtan waxaa la aasaasay 1977-kii, kuwaas oo uu asaasay Kornayl Charlie Beckwith, oo arkay baahida loo qabo ciidan weerar ah oo sax ah oo ka dhisan ciidanka dhexdiisa, waxayna ciidamadaan la shaqeeyeen Adeegga Hawada Gaarka ah ee Ingiriiska sanadkii 1970-meeyadii, taas oo qayb ka ah isweydaarsiga khibradaha milatari ee u dhexeeya Washington iyo London, iyo in lagu daydo Adeegga Cirka ee caanka ah ee British Special Air Service.
Delta waxa ay ku shaqo leedahay burburinta unugyada argagixisada, sahanka istaraatiijiga ah iyo diyaarinta hawlgalada goobta dagaalka, laakiin waxa ay sidoo kale ka qaybqaadataa hawlgalada samatabbixinta la haystayaasha iyo hawlgalada qarsoon ee CIA.
Ciidankan gaarka wuxuu hoos tagaa Taliska Hawlgallada Gaarka ah ee Ciidanka Mareykanka (USAOC), laakiin waxaa gacanta ku haya Taliska Howlgallada Gaarka ah ee Wadajirka ah (JSOC)
Hadafka koowaad ee Taliska Hawlgallada Gaarka ah ee Wadajirka ah (JSOC) waa in ay qabtaan hawlgallo halis ah oo ka dhan ah argagixisada, halka Taliska Howlgallada Gaarka ah ee Mareykanka (USAOC) uu diiradda saaro dagaalka aan caadiga ahayn, difaaca gudaha, dibada iyo ka hortagga fallaagooyinka.
壯陽藥 – wp:paragraph –>Waxaa la qiyaasaa in ciidamadaan ay gaarayaan ilaa iyo 1,000 askari.
Qoraaga Sean Naylor, ee wax ku qora Majalada Army Times,buugisa ku saabsan Delta Force,wxuu sheegay in laga yaabo inay yihiin ilaa 1,000 askari Ciidanka Delta Force
Sida laga soo xigtay websiteika Maraykanka ee Specail Ops, wuxuu sheegay in ku biirista ciidankan ay ku xiran yihiin shuruudo ay ka mid yihiin in codsadayaashu yihiin lab, ugu yaraana ahaadan 21 sano jir, noqdaana shaqaale milatari oo u qalma.
Hawlgallada xusida mudan ee Delta Force
Mid ka mid ah hawlgalladii ugu caansanaa ee Delta Force ay ka qaybqaateen bilawgii wuxuu ahaa 1980-kii, intii lagu jiray isku daygii lagu badbaadinayay la haystayaal Maraykan ah oo lagu qabtay Tehraan intii lagu jiray hawlgal loogu magac daray “Claw Eagle”.
Hawl-galkaas ayaa lagu tilmaamay mid fashilmay, sabab la xariirta khalad ka dhacay qalabkii hawl-wadeennada duulista, oo sababay dhimashada siddeed qof oo Maraykan ah, waxaa markaas ka dibna la asaasay qaybta 160-aad ee howlgada gaarka ee Duulista Hawada.
Sida laga soo xigtay mareegtaa “Insider”, bishii Luulyo 1983, Delta Force waxay ka qaybqaateen xoraynta shan ” adeegayaal ah” oo reer galbeed ah, oo ay ku jiraan laba muwaadin oo Maraykan ah, kuwaas oo ay haysteen dabley ka tirsan Jabhadda Xoreynta Koonfurta Suudaan. Waxa kale oo ay ka qayb-qaadatay Hawl-galkaas oo loogu magac daray ‘Dabaylaha Saxaraha ‘ ee lagu xoraynayo Kuweyt kadib duulaankii Ciraaq 1991-kii.
Sanadkii 1993-dii, Delta waxay fulisay howlgalkii Muqdisho, iyadoo ujeeddadeedu ahayd in la soo xirto hoggaamiyihii ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneral Maxamed Faarax Ceydiid, balse waxaa soo gaaray dharbaaxo xooggan, kaddib markii 18 ka mid ah ciidamadaas laga dilay 73 kalena laga dhaawacay.
Cutubkan ayaa sidoo kale ka qayb qaatay duullaankii Afgaanistaan ee 2001 iyo Ciraaq intii u dhaxaysay 2003 iyo 2011, waxayna fuliyeen hawlgalkii caanka ahaa ee “Red Dawn” ee lagu xidhay Madaxweynihii hore ee Ciraaq Saddam Xuseen.
Sida laga soo xigtay mareegaha Milatariga ka faalooda , waxaa jira hawlgallo kale oo caan ah oo ay ka qaybqaateen, sida daadgureynta safaaradda Mareykanka ee Liibiya intii lagu jiray weerarkii Benghazi 2012, xiritaanka daroogada Mexico ee Joaquin “El Chapo” Guzman, iyo duullaankii Suuriya oo laga xusi karo dilkii hogaamiyihii Daacish Abu Bakar al-Baghdadi.
Balanqaadka Maraykanka
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in uu cambaareynayo dilka ballaaran ee ay Xamaas u geysatay dadka rayidka ah ee Israa’iil, kuwaas oo uu ku tilmaamay ficillo shar ah, isagoo ballan-qaaday in Mareykanka uu si buuxda u taageerayo Israa’iil.
Biden waxa uu sheegay in uu hubin doono in Israa’iil ay hesho wax kasta oo ay u baahan tahay, oo ay ku jiraan rasaas dheeraad ah iyo gantaallada difaaca cirka. Wuxuu xaqiijiyay in afar iyo toban Mareykan ah la dilay, qaar kalena ay gacanta ku dhigeen Xamaas.
Biden waxa uu intaa ku daray in uu diyaar u yahay in uu codsado in ciidamo dheeraad ah oo Maraykan ah loo diro gobolka si ay uga hortagaan xoog kasta oo ku fikiraya in ay ka faa’iidaysanayaan qalalaasaha.