16- March-2024
Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanahaya kuwa dadka deegaanka ayaa hawlgal qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal sare iyo xubno ka tirsan al-Shabaab ka fuliyay deegaanka Dumaaye ee gobolka Mudug oo u dhow Xarardheere, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.
Howlgalka ayaa billowday shalay kadib wargelin ay heleen ciidamada deegaanka taas oo sheegeysay in meel aan ka fogeyn ay ku sugan yihiin xubno katirsan al-Shabaab, sida uu BBC-da u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada dowladda.
Wuxuu sheegay in dhowr xubnood oo kamid ah ciidamada deegaanka ay marka hore qaadeen weerarka kaas oo ay ku dileen horjoogeyaal ay ka mid ahaayeen madaxii kooxda al-Shabaab ee Mudug iyo Galgaduud iyo ku xigeenkiisii iyo nin kale oo lagu sheegay in uu ahaa ajnabi kooxda ugu magacawnaa madaxa xiriirka ajaanibta iyo Soomaalida.
Dagaalka oo markaasi kadib sii ballaartay ayaa waxaa kusoo biiray ciidamada dowladda iyadoo uu socday muddo saacado ah, waxaana lagu dilay ilaa 16 xubnood oo katirsan al-Shabaab kuwaas oo isgu jiray afar horjooge iyo 9 xubnood oo kale sida ay inoo sheegeen saraakiisha gacanta ku haya aagga Xarardheere.
Waxa aan helnay warka ah in nimankan ay dhexda kusoo jiraan rag ciidanka kamid ah ayaa ku baxay oo halkaas kusoo dilay, kadibna dagaal ayaa dhacay oo waxaa sida guud halkaas aan ku dilnay ilaa 16 ka tirsan al-Shabaab”.
“Waxaa kamid ahaa horjoogeyaasha aan dilnay nin lagu magacaabi jiray ‘Nuunuule’ oo caan ka ahaa deegaanka, kuxigeenkiisa oo lagu magacaabi jiray Maxamed Maracadde iyo nin kale oo ajinabi Afrikaan ajinabiya ah kaas oo ahaa madixii kooxda ee xiriirka ajaanibta iyo Soomaalida,” ayuu sii raaciyay Korneyl Ceyroow.
Dhinaca kale dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay howlgalka lagu dilay xubnaha katirsan Al-shabaab.
“Horjoogahan oo lagu magacaabo Maxamed Isaaq Aw-raage (Maracadde) ayay ciidamadu u daba socdeen ficilladii uu horay u gaystay iyo kuwa hadda uu qorshaynayay, iyagoo isla goobtaas ku dilay horjooge kale oo ajnabi ah oo la socday Maracadde iyo shan maleeshiyaad ah oo ilaalo u ahaa, waxayna kasoo furteen hubkii iyo agab kale oo dagaal oo ay wateen” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay dowladda.
“Dagaalkii dambe waxa aan ku dilnay horjooge kale oo ahaa madaxii wacyi gelinta ee gobolka, dagaalku ma uusan ahayn wax la qorsheeyay oo waxa uu ahaa soo booddo hase yeeshee guul ayuu ku dhamaaday”, ayuu yiri Korneyl Maxamuud Maxamed Ceyroow.
Ciidamada dowladda oo taageero ka helaya kuwa dadka deegaanka iyo saaxiibada Caalamka ayaa kordhiyay howlgallada lagu beegsanayo deegaanada ay al-Shabaab kaga sugan yihiin gobollada Mudug iyo Galgaduud, waxaana xusid mudan in ciidamadu ay dhawaan soo faarujiyeen fariisimaha qaar oo muhiim ahaa iyadoo xilligii la qabsanayay lagula wareegay dagaal qaraar.
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee ku sugnaa Galmudug ayaa dhowr maalmood kahor soo banneeyay furimaha dagaalka ee ay ku hor joogeen ururka al-Shabaab, sida uu xaqiijiyay taliyaha saldhigga booliiska ee degmada Bacaadweyn oo ka mid ah meelaha ay ka soo baxeen ciidamadu
Deegaannada ay ciidamadu ka bexeen ayaa waxa ay kala yihiin Bacaadweyn Caad iyo Camaara, halkaas oo ilaa iyo haatan ay ku suganyihiin.
Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka, ciidamada ayaa intooda badan soo gaaray magaalada Baxdo oo 90 km dhinac Koonfur-Bari kaga began degmada Cadaado.
Al-Shabaab ayaa barahooda internet ka ku baahiyay in ay gudaha u galeen guud ahaan saldhigyadii la faruujiyay.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 18 bil ka hor ku dhawaaqay inay dowladiisu bilaabeyso dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ka dhaca bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.
Kadib guulo hordhac ah oo ay gaareen ciidamadu kuwaas oo ay kula wareegeen deegno badan, ayaa waxaa dadka qaar ay sheegayaan in ciidamada dowladda ay xajin la’yihiin gacan ku haynta meelaha ay qabsadeen.