Maxay yihiin waxa uu sameeyay Johnny Somali ee sababay in loo gacan galiyo xeer ilaalinta Kuuriyada Koonfureed?

Ninka YouTube-ka caanka ah ee lagu magacaabo Ramsey Khaalid Ismaaciil, loona yaqaanno “Johnny Somali oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa waxaa loo gacan geliyay xeer ilaalinta Kuuriyada Koonfureed, kadib markii lagu eedeyay inuu dhunkadayTaallo loo yaqaanno “Taallada Nabadda” isla markaana lagu xuso haween loo gaystay tacadiyo ka dhan ah jinsiga intii lagu jiray xukunkii gumeystihii Kuuriya ee Japan ee hilaaddiii 1910 ilaa 1945-tii.

Taallooyinkii dhibbanayaashii addoonsiga galmada ee xilligii dagaalka ee Kuuriyada Koonfureed ayaa ah astaamo aad dadweynuhu ay u qadariyaan kuna xasuustaan dhacdooyin kala duwan oo mid walba leh saameynteeda sida dunida kalaba.

Sida laga soo xigtay Xarunta Booliska Seoul Mapo Isniinta maanta ah, ninkaan ayaa lagu wareejiyay Arbacadii Kuuriyada Koonfureed isagoo wajahaya eedo ay ugu waa weynyihiin kuwa aan soo sheegnay iyo kuwa kale.

Kadib markii uu muuqaalka uu dhukanayo taalladda uu soo galiyay baraha bulshada, waxaa uu la kulmay caro dadweyne iyo falcelin ka dhalatay arrintaas oo lagu cambaareeyay.

Ninkaan ayaa mar dambe raali gelin siiyay dadkii ka xumaaday ee reer Kuuriya waxaana uu yiri “Waxaan rabaa in aan raalli-geliyo reer Kuuriya. Maan fahmin muhiimada taalada”. Waxa kale oo uu sharraxay in ujeeddadiisu ahayd inuu ku maaweeliyo dadka bartiis aku xiran, balse waxa uu qiray in hab-dhaqankiisu ahaa mid ixtiraam-darro ah. Ismaaciil ayaa sidoo kale yiri:, “Runtii waan ka xumahay,”.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas raaciyay: “Waan qaldamay, waxaana u malaynayaa marka aad qalad ka gasho nolosha, inaad u baahan tahay inaad ilaaliso. Markaa, waan ka cudur daaranayaa, mar dambe ka hadli maayo taalladaada ama taaban maayo mar dambe.

Ciqaabta uu wajihi karo

Khaalid Ismaaciil, loona yaqaanno “Johnny Somali” ayaa hadda wajahaya dhowr dacwadood oo ay ugu horreyso muuqaalkii Taallada Nabadda ee uu dhunkaday, waxaana wararka soo baxaya ay sheegayaan in ninkaan oo lagu tilmaamay qof aan taxadarin uu wajahi sanado badan oo xarig ah.

Johnny Somali ayaa dhowr jeer sameeyay tallaabooyin xadgudubyo ah oo dad ka caroodeen.
Qoraalka sawirka,Johnny Somali ayaa dhowr jeer sameeyay tallaabooyin xadgudubyo ah oo dad ka caroodeen.

Johnny Somali oo da’diisu ay tahay 24 sano jir, ayaa hadda lagu wadaa baaritaan waxaana la sheegay in dalka aanu bixi karin isla markaana waxaa laga mamnuucayaa marka uu xabsiga dhameysto Kuuriyada Koonfureed iyo Japan.

Inkastoo uu raali gelin bixiyay haddana dad badan oo reer Kuuriya waxaa ay weli shaki ka qabaan in ninkaan oo sameeyay fal taabtay dareenka muwaadiniinta Kuuriyada Koonfureed ay daacad ka tahay raali galinta uu bixiyay.

Muxuu horey uga sameeyay Japan?

Marka la eego muuqaallada uu soo dhigo barihiisa bulshada, Johnny Somali wuxuu ku sugnaa dalka Japan bilihii May iyo June ee sanadkan. Inkastoo markaa kahor uu waqti dheer ku qaatay dalka Thailand.

Dhowr muuqaal oo uu bartiisa YouTube soo dhigay, Johny waxaa la arkayay isagoo meelaha ay dadku isugu yimaadaan ku qaqashaadaya haween, isla markaana ku dhahaya hadallo ‘dumar nacayb ah iyo kuwo cunsurinnimo ku dheehan tahay’.

Johnny Somali ayaa sidoo kale intii uu Japan ku sugnaa la arkayay isagoo dhibaya dhalinyaro ku sugnaa tareen dhexdiisa, isagoo kala hadlayay arrimaha Hiroshima iyo Nagasaki (magaalooyin Japan ku yaalla oo Mareykanku bamboo ku weeraray sanadkii 1945), isagoo dhahaya “Waan sameyn karnaa mar kale.”

Mid ka mid ah rakaabka, oo sheegay inuu asal ahaan Kuuriyaan yahay uuna heysto dhalashada Mareykanka, ayaa la murmaya kana codsanaya inuu xushmad muujiyo.

Dhowr muuqaal, Johnny Somali uma muuqan mid ka qoomameynaya ficilladiisa, isagoo sheegay inuuba ka helo falcelinnada ka dhasha muuqaalladiisa uuna kuba sii caan-boxo.

Waxaa sidoo kale jirtay in qudhiisa dhibaato ay soo gaartay , oo marka ay dadku aqoonsadaan uu khatar u galo in lala dagaallamo.

Mid ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa Twitter-ka kusoo qoray “Johny Somali ayaa halkan lagu arkay isagoo labo gabdhood oo Japan u dhashay ugu yeeraya inay fool xun yihiin sababtoo ah ma aysan dooneyn inay ka soo dhex muuqdaan muuqaalkiisa”.

Haatan wuxuu ku sugan yahay jasiiradda Bali, imaanshihiisa toddobaadkii la soo dhaafay ayaa baraha bulshada jasiiraddaas ka dhex abuurtay dood, iyadoo dadku ay muujinayeen inay ka war hayaan taariikhdiisa.

Inkastoo weli uusan gudaha jasiiradda ka abuurin sida falcelinnadii ka dhashay safarkiisii Japan, haddana mar uu booqday xeebta Bali.

Muuqaalka ayaa laga arkayay isagoo la hadlaya labo nin oo xeebta ku sugan, kadibna ay murmayaan.

Ninkaan ayaa la sheegay inuu yahay nin aan taxadarin
Qoraalka sawirka,Ninkaan ayaa la sheegay inuu yahay nin aan taxadarin