Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalda Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed “Cumar Filish” ayaa xalay kulan is-wareysi ah la qaatay dhallinyarada iyo maamulka magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Qaar kamid ah dhallinyarada kulanka ka qeyb gashay oo dareenkooda ku muujiyay habab kala duwan oo gabayo ay ku jireen ayaa guddoomiyaha uga mahadceliyay sida uu uga aqbalay kulankooda waxeyna ku boggaadiyeen sii wadida horumarka caasimadda
Guddoomiyaha degmada Dhuusamareeb C/raxmaan Cali Maxamed ayaa guddoomiyaha gobolka Banaadir ku amaanay dadaalka uu u galay in gobolka Banaadir Aqalka sare uu ku yeesho metelaad uu hadda tilmaamay in ay waxyar ka dhimantahay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed oo ka mahadceliyay kulanka ayaa dhallinyarada iyo maamulka magaalada Sama-reeb ku boggaadiyay sida ay uga shaqeeyeen amniga, wuxuuna ku dhiirrigeliyay in ay sii joogteeyaan amniga oo nolosha u ah udub dhexaad
