6- July-2023
Maxkamad ku taalla dalka Sweden ayaa nin Kurdish ah ku xukuntay afar sano iyo bar oo xarig ah, kaddib markii lagu helay inuu isku dayay inuu maalgeliyo kooxda Kurdiyiinta ee PKK.
Maxkamadda Stockholm ayaa sidoo kale ninkan ku xukuntay in laga musaafuriyo Sweden.
Kiiska ayaa si weyn loo eegayay iyadoo Sweden ayaa hadda isku dayaysa inay ku biirto NATO, balse codsigeeda waxaa hor istaagay Turkiga.
Ankara ayaa Sweden ku eedaysay in aysan wax badan ka qaban la dagaalanka kooxaha ay u aragto argagixiso.
Iswiidhan waxay soo bandhigtay sharciyo adag oo la dagaalanka argagixisada ah bishii hore. Waxay rajaynaysaa in loo aqbalo xubinimada NATO shir madaxeedka isbahaysiga ee kadhici doona Lithuania toddobaadka soo socda.
Dalka Hungary sidoo kale wali ma aysan ansixin codsigeeda Sweden ee ku biirista NATO.