Maxkamada ICJ Oo Si Rasmi Ah U Shaacisay Xilliga Lagu Dhawaaqayo Xukunka Kiiska Badda Soomaaliya Iyo Kenya

Friday “24” September “2021”

Qoraal ka soo baxay Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ ayaa lagu shaaciyay waqtiga rasmiga ah oo go’aanka kama dambeysta ay ka soo saari doonaan dacwadda Badda ee u dhaxeeysa Dowladaba Soomaaliya iyo Kenya.

Go’aanka kama dambeysa ah ee Maxkamada ICJ ka gaari doonto dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya waxaa lagu dhawaaqi doonaa 12-ka Octobe壯陽藥 r 2021-ka, 3:00-da galabnimo xilliga Hague.”ayaa lagu sheegay qoraalka.

Xilliga lagu soo beegay ku dhawaaqista kiiska dacwada ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa ah sanadguurada 67aad ee maalinta calanka Soomaaliyeed.

Maxkamaddu waxay go’aamin doontaa cidda leh xuquuq inka badan 100,000sq km saddex -xagal oo biyo ah oo la rumeysan yahay inay hayaan kaydad hydrocarbon qiimo leh.

Leave a Reply