8″ May “2021” Nairobi” https://www.africanews.com/
Maxkamada sare ee dalka Kenya ayaa wadada u banaysay gawraca iyo iibinta hilibka dameeraha.
Mamnuuc ayaa lagu soo rogay gawraca dameeraha hilibkooda sanadka 2020, balse kawaan iyo qeyb ka mid ah xoolaleyda ayaa maxkamada ka hor istaagay xayiraada, iyagoo sheegay inay luminayaan dakhligii soo gala.
“Dawladdu waxay ku fashilantay inay si ku filan u difaacdo kiiskan waxayna maxkamaddan baabi’isay Ogeysiiska Sharciga ee 63 ee sannadka 2020 maadaama ay ku xadgudbeyso xuquuqda Star Brilliant,” ayuu yiri Justice Richard Mwongo xukunkiisa.
“Ogeysiiska sharciga wuxuu ku xadgudbayaa xuquuqda codsadaha sida uu qabo qodobka 47 ee dastuurka codsadaha waxaa la siiyay joogitaan uu ku shaqeyn karo iyadoo la tixraacayo ku guuldareysiga eedaysanuhu inuu soo celiyo jawaabtiisa,” ayuu yiri.
Waxaa jira afar kawaan oo shatiyeysan oo gowraca ugu yaraan 1,000 dameer maalin kasta Kenya.
Wasaaradda beeraha ee bariga Afrika ayaa soo rogtay mamnuucista gawraca iyada oo loo aaneynayo tirada xoolaha oo sii yaraanaya.
Kenya waxay leedahay qiyaastii 1.2 milyan oo dameero ah marka loo barbardhigo 1.8 milyan toban sano kahor, sida laga soo xigtay tirakoobyada dowladda.
Baahida weyn ee loo qabo maqaarka dameeraha ee Shiinaha halkaas oo loogu isticmaalo soo saarista dawooyinka dhaqameed.
Qiimaha dameerka qaangaarka ah ayaa in kabadan seddex jibaarmay Kenya, iyadoo qaar kawaanleyda ah ay xoolaha ka iibsadaan deriska Uganda.
Sare u kaca sicirka ayaa sidoo kale loo aaneynayaa kororka kiisaska tuugada dameeraha.