Maxkamada Sare oo maanta dhageysatay dacwada kursiga Hop086

19″ April”2022″” Muqdisho

Maxkamada Sare ee dalka oo maanta oo talaado ah u fadhiisatay dhageysiga dacwad ka dhan ah Guddiga FEIT oo uu ka gudbiyay lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Fahad Yaasiin kaas oo salka ku hayo kursi uu kasoo qaatay Beledweyne oo ay hakiyeen Guddiga doorashooyinka ee FEIT.

Dhegeygsi dacwada goobta lagu qaadayay waxaa ku sugnaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed, iyo dhinacyada dacwada dhexmareysay oo wakiil ka kala ahaa Guddiga doorashooyinka ee FEIT ee Xafiiska Garyaqaanka Guud Ee Qaranka iyo Agaasimihii hore ee Hay’adda NISA Fahad Yaasiiin Xaaji Daahir.

Sidoo kale, Hoolka ay ka socotay dooda ayaa ahayd mid firaaqo ah, waxaana la xadiday dadka ka qeyb-galaya, maadama dhageysiga dacwddaan ag ahayd mid xasaasi ah, marka laga reebo qareennada difaacaya Fahad, kuwa u doodaya guddiga FIET iyo guddoonka maxkamadda sare ee dalka.

Maxkamada Sare ayaa ka dalbatay inuu bilaabo doodiisa la xiriirta kursiga HOP#086 Qareenkii u doodayay Fahad Yaasiin Sakariye Ismaaciil, isagoo goobta ka sheeg犀利士 ay in aysan jirin awood ka sareeysa Maxkamadda Sare ee dalka.

Sidoo kale wuxuu Maxkamadda u gudbiyay codsi ku aadan in la diido go’aanka guddiga doorashooyinka ee FEIT kaas oo ay ku hakiyeen Kursiga Hop#86.

Dhankooda Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranka ayaa isna ku dooday in heshiiska doorashada ee 17 september ee uu meel mariyay Baarlamaankii hore ee Soomaaliya inuu yahay sharci awood siinaya guddiga doorashada isla markaana aysan jirin cid kaga sarreysa go’aannada la xiriira