25″ May”2022″ Muqdisho
C/raxmaan C/shakuur ayaa guddoomiyay kulan looga hadlay xaalada Abaaraha dalka
Masuuliyada loo xilsaaray Aqoonyahan C/raxmaan C/Shakuur ka sokoow dareenka guud ee ah in uu dalkiisa u adeegayo waxay ahmiyad weyn ugu fadhisaa hooyada Soomaaliyeed ee Abaarta la ildaran, wuxuuna isla maanta gudagalay hoeshii uu dalkiisa u xilsaartay
Ergayga gaarka ah ee Dowladda u qaabilsan arrimaha Beni-aadannimada iyo gurmadka abaaraha ee Soomaaliya Mudane Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa la kulmay Guddiga Gurmadka Abaaraha.
Ergeyga ayaa Guddiga Gurmadka Abaarah ka dhageystay xogaha la xariira abaaraha iyo saamaynta ay ku yeesheen guud ahaaan dalka.
Ugu dambayn, Ergayga gaarka ayaa u mahad celiyey guddiga, isagoo ugu baaqay in ay wadashaqayn buuxda yeelan doonaan, si dalka looga samatabixiyo abaaraha.
Ma jiro howl ka weeyn dadka in aad samatabixisid oo laguu xilsaari lahaa, iyadoo shaqo kasta oo dalkaagu uu kuu dirsado ay jaahilnimo tahay in aad iskala weeynaatid