Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa bilaawday dhageysiga ganacsato loo haysto in ay dalka keeni jireen agabyada loo adeegsado waxyaabaha qarxa

6″ Juun ” 2021″Sunday “Muqdusho

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee ee Soomaaliya ayaa Maanta bilaawday dhageysiga kiiska rag ganacsato ah oo loo heysto inay dalka keeni jireen agabyada loo adeegsado waxyaabaha qarxa.

Raggaan oo tiro ahaan gaaraya ilaa 7 ayaa waxaa lagu magacaabaa, Cabdisalaan Cali Faarax, Qadar Cabdisalaan Maxamed, Maxamed Cabdi Sheekh Cumar, Daahir Cusmaan Maxamed , Cabdisalaan Cusmaan Maxamed iyo laba eedeysane oo Baxsad ah.

Raggaan eedeysanayaasha ah ayaa Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ku eedeysan inay dekadda Muqdisho kasoo dejin jireen, maadooyin kala duwan oo laga sameeyo qaraxyada, Jaakada Qaraxyada, Computero iyo Agab Ciidan, iyaga oo fursad ugu helay inay Ganacsato yihiin.

Xeer ilaaliye ku-xigeenka Maxkamada Ciidamada qalabka sida Dhame Muumin Xuseen C/llaahi ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in Agab farabadan oo dalka ay keeneen Raggaan qaraxyo lagu fuliyay, isla markaana dad qaarkood ay mas’uuliyiin yihiin ay ku dhinteen.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute oo fadhiga Maxkamadda soo xiray ayaa sheegay in dhageysiga kiisa 7 eedeysano oo laba kamid ah maqanayaal yihiin Maanta intaasi uu ku egyahay, isla markaana Maxkamadda ay go’aan kasoo saari doonto.

Leave a Reply