Daawo: Maxkamadda G/Banaadir ayaa fasaxday Muxidiin Saabey, Koofi Iyo Cabdul.

25- May-2024- Muqdisho” Maxkamadda G/Banaadir ayaa fasaxday Muxidiin Saabey, Koofi Iyo Cabdul

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhowaaqday xukunka kiiska dacwadii musuq maasuqa ee loo heystay mas’uuliyiin ay ku jiraan agaasimayashii hore ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Agaasimihii hore ee Canshuraha Bariga iy qaar kamid Shaqaalaha Wasaarada Maaliyada iyo Hey’adda Socdaalka.

Maxkamadda ayaa ku dhowaaqday in danbi lagu waayay agaasimeyaashii hore ee hay’adda Socdaalka Jinsiyadda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) iyo Mudane Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo haatan maqane ah.

Sidoo kale waxaa isna dambi lagu waayay Muxudiin Xasan Jurus (Saabey) oo ahaa Agaasimihii hore ee Canshuraha Bariga oo isna maqane ah, sida ay ku dhawaaqday maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Banaadir.