Maxkamadda Gobolka Banaadir oo 2024 qabatay kiisaskii ugu badnaa

Guddoomiyaha Maxkmadda Gobolka Banaadir ayaa sheegay in sanadkaan 2024-ka ay maxkamaddu qabatay gal dacwadeedkii ugu badnaa ee abid soo mara, iyadoo Maxkamadda ay ka jirto caqabad garsooreyaal la’aan ah.

Waxa uu sheegay in culeyska kiisaska tirada badan iyo garsoorayaasha ay heli karaan aysan aheyn wax isku dhigma taasi oo keentay in dib dhac uu ku yimaado in dacwadaha la qaado waqtigii loogu talagalay.

Hadalka Gudoomiyaha ayaa imaanaya xilli dad badan ay ka cawdeen qaadista kiisaska ee Maxkamadda oo waqti dheer qaata.

https://www.voasomali.com/a/maxkamadda-gobolka-banaadir-oo-2024-qabatay-kiisaskii-ugu-badnaa/7773863.html