Maxkamadda gobolka Banaadir oo amartay In la soo xiro Axmed Madoobe

Maxkamadda gobolka Banaadir oo waaran soo qabasho ah u jartay eedeysane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Ina Yustur Aw-Cabdi Haaruun.

Warqad kasoo baxday maxkamadda gobolka Banaadir ayaa lagu soo saaray amarkan oo dhigaya soo qabashada Axmed Madoobe, si loo horkeeno maxkamadda.

“Maxkamadda gobolka Banaadir waxa ay aqbashay codsiga sare ku xusan (soo qabasho waaran) ee kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, sidaas darteed waxaa la farayaa taliyaha ciidanka booliska in aad soo qabatid, islamarkaana horkeentid maxkamadda gobolka Banaadif eedeysane Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe),” ayaa lagu yiri amarka soo qabasho ee kasoo baxay maxkamadda.

Axmed Madoobe ayaa loo haystaa faldambiyeedyo lid ku ah wadajirka iyo midnimada qaranka Soomaaliya, taas oo macno ahaan noqoneysa “khiyaano qaran” sida lagu yiri qoraalka maxkamadda gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ah eedeymaha loo haysto Axmed Madoobe faldambiyeed lid ku ah xof lala wadaago dal shisheeye, ujeedo dagaal lid ku ah qaranka Soomaaliyeed, sidoo kalena uu ku kacay faldambiyeed lid ku ah nidaamka iyo dastuurka dalka, sida ay sheegtay maxkamadda.