Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Arbacada go,aan ka gaari doonta kiiska Ninkii Gubay Xaaskiisa

2-March-2024

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo mar kale dhagaysan doonta kiiskii Luul

Maxkamadda G/Banaadir ayaa muddeysay dacwadda ka dhanka ah eedeysane Sayid-cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan inuu xaaskiisa oo uur leh uu ku gubay Muqdisho.

Warqadda ay maxkamaddu soo saartay ayey ku muddeysay dacwaddan maalinta Arbacada ah ee lixda bishan Maarso.

Maxkamadda ayaa fartay Taliyaha CID-da qaybta dambi barista in uu maxakamadda hor keeno eedaysanaha taariikhda la asteeyay marka ay saacaddu tahay 12-ka duhurnimo.

Kiiskan oo hadal hayn badan ka dhaliyey baraha bulshada ayey ka dhur sugayaan dad badani goorta lasoo gabagabaynayo iyo waxa xukunku noqon doono.

Maxkamadda ayaa sheegtay in fadhigan uu noqon doono kii ugu dambeeyay, isla- markaana lagu shaacin doono xukunka eedeysanaha, waxayna fadhigan muddeysay maalinta arbacad ah oo ay ku beegan tahay 06/02/2024.

“Maxkamadda iyada oo gudaneyso waajibaadka saaran ee ku xusan qodobada 75, 89 XHCS, waxa ay muddaysay Gal-dacwadeedka ciqaabta ah ee summaddiisu tahay MGB/DCL/147/2024 maalinta arbacada ah ee taariikhud tahay 06/02/2024, saacadduna ay tahay 12:00 duhurnimo” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Maxkamadda gobolka.

Sidoo kale waxaa la faray taliyaha qaybta baarista dambiya ee CID-da inuu maxkamadda horkeeno eedeysanaha, maalinta arbacada oo ah kama dambeysta maxkamaddiisa.

Maxkamadda Gobolka ayaa sidoo kale amartay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo qareennada difaacaya eedeysanaha inay soo xaadiraan maalinta la shaaciyay, si ay goobjoog uga noqdaan maxkamadda iyo ku dhawaaqista xukunka ka dhanka ah Sayid Cali.

“Waxay faraysaa xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, qareennada difaaca eedeysanaha in ay kasoo qayb-galaan ku dhawaaqista dacwadda isla taariikhda iyo saaxadda sare ku xusan” ayaa mar kale lagu yiri warqadda ay soo saartay maxkamadda.

Horay maxkamadda ayaa laba fadhi oo kala duwan uga yeelatay kiiskan xasaasiga ah, waxaana la horgeeyay marqaatiyeyaal ay kamid ahaayeen carruurtii marxuumadda.

Waxaa kale oo ay maxkamaddu  dhageysatay, isla markaana su’aalo waydiisay eedeysane Sayid Cali Macallin Daa’uud, waxa uuna sheegay in xaaskiisa sababta uu u gubay inay tahay maseer darteed, islamarkaana murankii ka dhashay uu keenay dabka in uu qabad siiyo guriga balse waxaa uu ku dooday ujeedkiisu in uusan aheyn in uu dilo xaaskiisa.

Sayid Cali ayaa isaga oo ka jawaabaya mid ka mid ah su’aalaha ay maxkamadda weydiisay ayaa waxa uu sheegay inuu jeclaa xaaskiisa Allaha u naxariiste, uuna soo dhex-galay muran galaaftay nolosheeda, isagoo ku cel-celiyay in uusan kas u dilin, sida uu ku dooday.