MUQDISHO — Voasomal
Suxufiga Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo ah tifaftiraha idaacadda Goobjoog ayaa maanta maxkamadda gobolka Banaadir ay ku xukuntay lix bilood oo xarig ah iyo shan milyan oo shilin oo ganaax ah.
Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta idaacadda Goobjoog, maxkamadda ayaa xukunka u cuskatay xeerka ciqaabta Somaaliyeed ee 1964-tii, waxaana lagu eedeeyey inuu faafiyey warar aan run ahayn.
Goobjoog waxay sheegeen in xukunku uu la xiriiray war-tebin u saabsan maaraynta COVID-19.
Cabicasiis Gurbiye ayaa beeniyey eedaha loo jeediyey.
Ururrada u dooda xuquuqda saxafiyinta ayaa cambaareeyey xukunkaas oo ay ku timaameen mid xadgudub ku ah xorriyatu qowlka.