Maxkamadda Racfaanka oo markii labaad dhageysatay dacwada loo heysto eedeysanayaal ajaanib ah

24- July-2023-

Maxkamadda racfaanka ee gobolka Banaadir ayaa mar kale la horkeenay kalluumaysato ajaanib ah oo hore loogu helay inay sharci darro uga kalluumaysteen biyaha Soomaaliya

Kalluumeysatadan oo u kala dhashay dalalka Iran iyo Pakistan ayaa laga soo qabtay xeebaha degmada Hobyo ee gobolka Mudug, xilli ay kalluumeysi sharci darro ah ka wadeen xeebaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Saalax Cali Maxamuud, ayaa shaaca ka qaaday in saddex jeer oo dacwadooda la dhageystay, ay Maxkamadda Gobolka soo saartay xukun, iyadoo qofkiiba lagusoo rogay ganaax lacageed oo dhan $11,000. Intaa waxaa dheer, maxkamaddu waxay ku amartay inay dowladda Soomaaliya siiyaan $30,000 oo dheeraad ah, oo ah magdhowga kalluunkii ay sida sharci-darrada ah uga gurteen biyaha Sooamaliya.

Go’aanka maxkamada ayaa xooga saaraya sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta kheyraadka badda iyo la dagaalanka kaluumeysiga sharci darrada ah. Iyadoo lala xisaabtamayo kalluumaysatada ajnabiga ah.

Laga soo bilaabo Jannaayo 2023, caddaymo ay aruurisay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ayaa muujinaya maraakiib badan oo kalluumeysi oo ajnabi ah oo si sharci darro ah uga shaqeynaya Aagga Dhaqaalaha Gaarka ah ee Soomaaliya (EEZ).

https://twitter.com/BoodhariFarah/status/16834950壯陽藥 80471003145?t=h75Yj8xI0B_EjrrwWVeOPw&s=19