Daawo: Maxkamadda Rafcaanka oo maanta Dil ku xakuntay Sayid Cali Macallin Daa’uud oo lagu eedeeyay in uu gubay xaaskiisii luul cabdicasiis

15 -May-2024

Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir, ayaa waxay maanta go’aan kasoo saareysaa dhageysiga dacwaddii eedeysane Sayid Cali Macalim Daa’uud oo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka uu ku eedeeyay in uu gubay Xaaskiisa Luul Cabdicasiis isla markaana ay u geeriyootay maalmo kadib dhaawacii kasoo gaaray dabkaasi.

Afar fadhi ayay ka yeelatay Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir, kuwaasi oo lagu dhageystay Qareenadda Difaacayay, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud iyo marqaatiyaal Maxkamadda ay dalbatay.

Maxkamadda gobolka Banaadir, ayaa hore dil Toogasho ah ugu xukuntay Sayid Cali Macalim Daa’uud oo ay ku heshay qodobbadii uu kusoo eedeeyay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Maanta waxaa la sugayaa Xukunka Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir.

Leave a Reply