Maxkamadda Sare oo ku raacday guddiga FEIT go,aanka ay ka qaateen kursiga HOP#086


Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252

Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46

20″ April “2022

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa maanta go,aan ka gaartay dacwadda kursiga HOP#086 kaas oo uu u gudbiyay lataliyaha amniga qaranka ee Madaxweyne Farmaajo sidoo kalena ahaa Agaasimihii xilka laga qaaday ee Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Qoraal kasoo baxay Maxkamadda Sare ayaa lagu sheegay inay diiday dacwad qaadista Kursiga Hop#086 kaas oo uu Beledweyne kasoo qaatay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, iyadoo sabab uga dhigtay in dacwad qaadista kursigaan ee Maxkamadda uu lidi ku yahay go,aankii kasoo baxay Guddiga doorashooyinka ee FEIT.

Sidoo kale, Maxkamadda ayaa tilmaamtay inay aqbashay hor istaagga xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranka kaas oo matalayay Guddiga FEIT islamarkaana uu ka hor sheegay in aysan Maxkamadda Sare ay awood u lahayn ka garnaqidda cabashooyinka la xiriira doorashada dadban ee baarlamaanka 11-aad.

Qararka kasoo baxay Maxkamadda Sare ee dalka waxaa ku saxiixnaa saddex garsoore oo kala ah Baashe Yuusuf Axmed Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Saalax Sh. Ibraahim Dhiblaawe iyo Cabdicasiis Maxamed Yuuusuf.

Hoos ka akhriso: