Meelo badan oo Dunida Muslinka ah ooy ku jirto dalkeena Somalia ayaa so weeyn loogu dabaaldegay munaasabada Ciidul fitriga

2″ May”2022″ Muqdisho

Maanta oo Isniin  ah waxay ku beegan tahay maalinta Koowaad ee ciidul fidriga, iyadoo guud ahaan caalamka looga dabaaldegayo maalintaan.

Muslimiinta ayaa soomanaa muddo 30 maalin ah, waxaana maanta ay tahay maalin farxadeed oo loo dabaaldegayo.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa si isku mid ah maanta u ciidaya, waxaana magaalooyinka waaweyn ee dalka laga dareemayaa farxadda ciidda, marka laga soo tago qeybo ka mid ah gobolada dalka oo aan laga ciideyn.

Sidoo kale, wadooyinka waaweyn ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu arkayaa dhalinyaro fara badan oo aad u labisan oo qaarkood ay la socdaan Waalidiintooda, kuwaas oo is kugu hambalyeynayo Maalinta Koowaad ee Ciida Fidriga.

Magaalada Muqdisho iyo inta badan Maamul Goboleedyada oo ay ku jirto Somaliland ayaa Maanta siweyn looga ciidayaa, iyadoo goobo fagaaro ah iyo masaajida ay Bulshada Soomaaliyeed ku dukanayaan Salaada Ciidul Fidriga.

Dhinaca kale, Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo kuws Dowlad Goboleedka shanta ah ee Puntland, Jubbaland, Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Galmudug ayaa hambalyo u diray dhamaan Umadda Soomaaliyeed ee u dabaal degaya maanta Munaasabadda Ciidul Fidriga, iyagoo ugu baaqay inay is garab istaagaan oo ay caawiyaan walaalahood masaakiinta ah.

Leave a Reply