Meta ayaa raaligelin ka bixisay inay ku dartay liiska “argagixisada” qaar ka mid ah isticmaalayaasheeda Instagram-ka ee Falastiiniyiinta ah

October 22- 2023

Shirkadda Meta ayaa raaligelin ka bixisay inay ku dartay liiska “argagixisada” qaar ka mid ah isticmaalayaasheeda Instagram-ka ee Falastiiniyiiniyiinta ah

Meta waxa ay sheegtay in ay xalisay mushkilado “kuwaas oo muddo kooban sababtay fasiraado aan habooneyn oo laga bixiyay qaar kamida wax soosaarkeeda.

“Waxaan si dhab ah uga cudur daaranaynaa in tani dhacday,” ayay u sheegeen BBC-da.

Xaruntu waxa kale oo ay wajahday eedaymo ah in ay caburinayso qoraallada taageerada Falastiiniyiinta intii uu socdo iskahorimaadka Israa’iil iyo Gaza.

Bishii May 2021-kii, hay’adda samafalka ee Human Rights Watch ayaa Instagram-ka ku eedeysay inay meesha ka saartay muuqaallo, sawirro iyo faallooyin ku saabsan dhibaatada Falastiiniyiinta lagu hayo

Shirkadda baraha bulshada ayaa sheegtay iyada oo ka jawaabeysa in qoraallada laga saaray “hadallada nacaybka ama calaamadaha qaar” oo ay beddeleen qalabkeeda casriga ah, laakiin waxay u horseeday Meta inay u xilsaarto dib u eegis madax bannaan oo lagu dhexdhexaadinayo waxyaabaha ku jira Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ee 2021-kii.

Warbixinta ku dadaalidda xuquuqul insaanka ee shirkada latalinta ee Business for Social Responsibility (BSR) ayaa la daabacay Sebtembar 2022-kii.

Waxay ku soo gabagabaysay: “Falalka Meta waxay u muuqdaan inay saameyn xun ku yeesheen xuquuqda aadanaha iyo xuquuqda isticmaalayaasha Falastiiniyiinta ee xorriyadda hadalka, xorriyadda isu imaatinka, ka qaybgalka siyaasadda, si Flastiiniyiinta ay u wadaagaan awooddooda iyo fikrohooda”.

Ma ahan markii ugu horeysay

Eedeymihii hore ee Meta ee lagu xakameynayay waxyaabaha u janjeera Falastiin si weyn ayaa loo diiwaangeliyay.

Bishii May 2021-kii, hay’adda samafalka ee Human Rights Watch ayaa Instagram-ka ku eedeysay inuu meesha ka saaray muuqaallo, sawirro iyo faallooyin ku saabsan dhibaatada.

Shirkadda baraha bulshada ayaa sheegtay iyada oo ka jawaabeysa in qoraallada laga saaray “hadallada nacaybka ama calaamadaha qaar” oo ay beddeleen qalabkeeda casriga ah, laakiin waxay u horseeday Meta inay u xilsaarto dib u eegis madax bannaan oo lagu dhexdhexaadinayo waxyaabaha ku jira Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ee 2021-kii.

Warbixinta ku dadaalidda xuquuqul insaanka ee shirkada latalinta ee Business for Social Respon壯陽藥 sibility (BSR) ayaa la daabacay Sebtembar 2022-kii.

Waxay ku soo gabagabaysay: “Falalka Meta waxay u muuqdaan inay saameyn xun ku yeesheen xuquuqda aadanaha iyo xuquuqda isticmaalayaasha Falastiiniyiinta ee xorriyadda hadalka, xorriyadda isu imaatinka, ka qaybgalka siyaasadda, si Flastiiniyiinta ay u wadaagaan awooddooda iyo fikrohooda”.

Khamiistii, Meta iyo TikTok waxa codsiyo rasmi ah u diray Komishanka Yurub si ay macluumaad dheeraad ah uga helaan tallaabooyinkooda lagu xaddidayo faafitaanka macluumaadka iyo waxyaabaha sharci darrada ah ee ka dhashay weerarrada Xamaas.

Leave a Reply