20″ Aug”2022″ Muqdisho
Dagaal qaatay in ka badan 20 saacadood oo xiriir ah ayaa waxaa uu weli ka socdaa gudaha Hotelka Xayaat oo xalay ay weerar ku bilowday qaraxyo Is-miidaamin loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ku qaaday hotelkaas.
Ciidanka ammaanka dowladda Federaalka iyo ragga weerarka soo qaaday ayaa ku dhex-dagaalamaya gudaha hotelka Xayaat, isla markaana waxaa la maqlayaa dhawaqa rasaas xoogan iyo jugta qaraxyo miinooyiin ah oo labada dhinac ay qarxinayaan.
Goor dhoweyd ayaa waxaa hotelka laga soo saaray Meydadka dad gaaraya 10 ruux, waxaana meydadka dadkaas ay u badan yihiin odayaal dhaqan oo dhawaan ka yimid Itoobiya, iyagoona arrimo la xiriira xal u yimid Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Gaadiidka Gurmadka Deg-deg ah ayaana meydka dadka laga soo saaray dhismaha hotelka Xayaat, isla markaana waxaa loo qaaday Isbitaalada Muqdisho, si dadka baadi goobaya dadkooda maqan ay u gaaraan isbitaalka oo mashquul xoogan ka jira.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka iyo qaraxyadii dhacay, waxaana ku dhintay dad ku dhow 15 qof, halka dhowr qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo lagula tacaalayo xaaladdooda Caafimaad Isbitaalo.
Ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa Booliska Haramcad, Alfa Group iyo Ciidamo kale ayaa wada howlgalkii ugu danbeeyay ee lagu soo afjarayo dagaalka qaaday saacadaha badan ee ka socda hotelka Xayaat ee ku yaalla agagaarka Isgoyska KM-4 ee Muqdisho
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa Maanta ka hadlay howlgalada ka dhan ah Al-shabaab ee ciidanka Xoogga Dalka ka fuliyeen Gobalka Hiiraan oo ka tirsan Hirshabeelle.
Wasiir Cabduqaadir oo shir jaraa’id qabtay ayaa waxaa uu boggaadiyey Ciidanka Xoogga dalka ee howlgalka ka wada Gobolka Hiiraan, isagoona ammaanay dowrka wanaagsan oo ay shacabka Gobalkaasi ka qaateen sidii Al-shabaab looga saari lahaa Hiiraan.
Xukuumadda Oo Ka Hadashay Howlgalada Ka Socda Degaano Ka Tirsan Gobolka Hiiraan
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in Al-shabaab laga xoreeyay deegaano badan oo ka tirsan gobalka Hiiraan, oo markii hore ay ku sugnaayeen.
Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay u guntadaan sidii aan isaga xoreyn laheyn Al-shabaab” waa sida uu hadalka u dhigay Wasiirka
“Wasaaradda Gaashaandhiggu waxa ay ku howlan tahay diyaarinta qorshe ballaaran oo guud ahaan dalka oo dhan looga xoreynaayo Al-shabaab” ayuu sii raacsiiyey hadalkiisa Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur
Maalmihii lasoo dhaafay Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Maamulka Hirshabeelle ayaa howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ka waday degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, waxaana Shabaab la sheegay in laga qabsaday deegaano dhowr ah oo ku sugnaayeen