Midna Ku Dayasho Ma Leh !!

1″ April ” 2021″

W, Q Elmi Osman Farah Tiffatitariha Dheeho.com

Siyaasada laba,labeeynta ayaa Somalia ku Riday daganaashiyo la,aan qarka u saaran In Ay qal,qal galiso hayaankii dowladnimo ee Soo socday ilaa shirkii carta.

XAYEEYSIIN”

Xudunta mashaakilkaas ayaa ah markii ay Dhamaatay mudo xileedkii madaxweynihii hore maxamed cabdulaahi farmaajo iyada oo Aan aaney jirin doorasho heshiis lagu yahay.

Farmaajo ayaa labadii sano ee ugu danbeeysay waxa waqtigiisa uu ku lumiyay rajadii uu ka qabay In somalia qaadi karto Jidka doorasho la,aanta iyada oo looga dayanayo Eritrea .

Taasi waxay Isaga oo madaxweeynaha soo Taagan 28 ka sano ka dhigtay in ay noqdeen Sidii wiil Iyo Aabihii oo kale

Balse taasi waxa shaqeeyn weeysay markii ay Isaga hor,yimaadeen Raysilwasaarihiisii hore Xasan cali khayre oo uu arkay afgambi in aysan ka duwaneeyn doorashada uu ku adkaysanayo In dalka ay ka qabsoonto.

Keenistii engineer dhismo oo siyaasada aan Damac badan ka sii lahayn iyo soo ifbixii Golaha midowga musharaxiinta oo lagu daray Magacaabistii gudi doorasho oo aan lays la Ogoleeyn ayaa keentay weerar lagu dilay dad Shacab ah oo ku banaan baxayay dowlada Mudo Xileedkeedu dhamaaday iyada oo la Isku day ay qaarajinta madax wadanka soo Hogaamiyay xili adag.

Wadada xoog ku maquuninta dadka kaa. Soo hor,jeeda ayaa laga soo dheegtay sidii Xumeeyd ee uu baryahaas u maamulay Raysil – Wasaaraha Ethiopia dadkii iyo deegaankii doorasho doonka ahaa

Farmaajo saaxiibkiis Abiy ayaa 50,000 tigray ah waxa uu ku qasbay In ay noqdaan qaxooti ka carara dalkooda iyada oo wali si,aan kala go,a lahayn dunidana u wado cambaareeynta Iyo Eedaha loo tirinayo Abiy ee ku aadan In uu Geeystay xasuuq Isir sifeeyn Ah .

Doorasho Shaatigii La Rabo Loo Gali Karo Dawga Djibouti Baan Ku Arkay !!

Hada wadada Djibouti ee uu Ismaaciil cumar Geele ku qabsaday doorasho caalamka ka dadan oo markii 5 aad uu shaaciyay In uu Shaaciyay In uu ku guulaystay ayaa hunguri badan ka galiyay farmaajo oo golaha amaanka Ee qaramada midoobay warqad uu kaga Ashtakoonayo faragalinta wakiilada beesha Caalamka Isla markaana uu ku codsanayo In loo madax banaaneeyo howlihiisa kiiyo aan Sharciyad ku fadhin xaafiiska hadaba maxaa dhici kara somalia hadii talada laysku qabsado Caalamkuna ay indhaha ka eegtaan ?

W,Q Elmi Osman Boodhari Tiffatiraha Dheeho.com

Leave a Reply