5,December, 2020 Muqdisho
Midowga Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa weli Magaalada Muqdisho uga socda wejiga labaad ee shirar looga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo marxalada kala guurka ah.
Afhayeenka Midawga Musharixiinta Ridwaan Xirsi Maxamed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kulankii Maanta ee Musharaxiinta Madaxweynaha looga hadlay xaaladda dalka, amniga iyo Arrimaha doorashooyinka 2020/2021.
Amniga dalka ayuu Afhayeenka sheegay inuu marayo meel halis ah oo ay dhaceen Qaraxyo, khatarna ay jirto, wuxuuna sheegay in xiligaan amniga uu sii gayo marxalad kale, maadaama Mareykanka uu shaaciyay in Ciidankiisa uu Somalia kala baxayo.
Sidoo kale Afhayeen Ridwaan Xirsi ayaa sheegay in kulankii Musharaxiinta ay yeesheen lagu magacaabay Guddiga Badbaadinta ee Doorashooyinka Qaranka, kuwaasi oo ku dhawaaqeen Midowga Musharaxiinta.
Xubnaha Guddiga Badbaadinta ee Doorashooyinka ayaa ka kooban 28-xubnood, isla markaana ay ka shaqeyn doona sidii dalka Soomaaliya uga dhici laheyd Doorasho xor iyo xalaal ah, xili Musharaxiinta ay horey u sheegeen inay magacaabi doonaan Guddi.
Magacaabista Guddigaan ayaa kusoo aadeysa, iyadoo Maanta Guddiga Doorashooyinka ee lagu muransan yahay ee heer Federaal doorteen Guddoomiye iyo ku-xigeenkiisa, xili Musharaxiinta ay ku tilmaameen Guddigaas inay ku jiraan xubno ka tirsan NISA.
Halka, Guddiga doorashada heer Federaal oo ay Xukuumadda magacawdayna ay iska dhex doortay Guddoomiye iyo Guddoomiye Kuxigeen, kaddib todobaadyo xubnaha Guddiga ku xareysnaayeen Hotelka Decale ee ku yaalla garoonka diyaaradaha, Muqdisho
Guddoomiyaha cusub ee la doortay Maxamed Xasan Maxamed oo loo yaqaano Cirro ayaa ku guuleystay 17 cod.
Maxamed Xasan Cirro ayaa ahaa Qoraa Barnaamij soo saare ka ahaa ka shaqeyn jiray Idaacadda Qaramada Midoobey ee ka shaqeysa arrimaha Bani’aadanimada oo loo yaqaano ERGO, muddo shan sano ayuu ka shaqeynayay Idaacadda ERGO.
Sidoo kale waxaa uu ka soo shaqeeyay Maktabada Aw-Jaamac oo qaban qaabisa todobaadka dhaqanka Kenya oo lagu qaban jiray Tiyaatarka Qaranka.
Tallaabada guddiga doorashada heer Federaal uu Guddoomiye iska dhex doortay ayaa ku soo aaday, iyadoo ay taagan tahay khilaafka ka taagan hannaanka doorashada iyo diidmada lagala horyimid Guddiga oo ay dalbadeen Musharaxiinta mucaaradka in la kala diro.