Midowga Afrika ayaa dejinaya Qorshaha Aragti mideeysan oo ku saabsan Argagixisanimada iyo Isbeddelka Nidaamka Dastuuriga ah


Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252

Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46

19″ May”2022″ Allafrica.com

Ururka Midowga Afrika (AU) ayaa qaban doona May 28, 2022 Shir aan caadi ahayn oo diiradda lagu saarayo caqabadaha argagixisada iyo xagjirnimada rabshadaha wata ee ka dhacaya Meelo badan oo qaarada ka mid ah

Iyada oo ujeedadu tahay in la qaado tallaabooyin degdeg ah oo lagu taageerayo waddamada wajahaya saameynta ba’an ee argagixisada ayaa shir madaxeedku qiimeyn doonaa hanjabaadaha, iyo hababka jawaab celinta, iyo go’aaminta ficilada gaarka ah, iyo tallaabooyinka lagu xoojinayo amniga wadajirka ah ee dalalka Africa ee wajahaya argagixisanimada iyo xagjirnimada rabshadaha wata.

Waxay sidoo kale ka wadahadli doontaa tallaabooyinka loo baahan yahay si loo joojiyo kacdoonka qaaradda, Midowga Afrika ayaa ku dhawaaqay.

Shir madaxeedka aan caadiga ahayn ee ku saabsan argagixisanimada iyo isbeddellada dastuuriga ah ee Afrika ayaa imanaya maalmo ka dib markii guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, uu “qeylo-dhaan weyn” ka muujiyay weerar argagixiso oo lagu qaaday saldhig milatari oo ka tirsan ciidamada ATMIS ee dalka somalia deegaanka Ceel baraf ooy ku dhinteen ilaa 40 askari iyadoo weerar kaas la mid ah lagu qaaday ciidamada qalabka sida ee Togo, ee degaanka Kpekpakandi, Waqooyiga Togo, oo ay ku dhinteen 8 qof 13 kalena ay ku dhaawacmeen. Afgambigii labaad ee ka dhacay Maali iyo xaaladda ammaan ee Suudaan ayaa sidoo kale ahaa ajandayaasha Midowga Afrika.

Leave a Reply