Midowga Afrika ayaa dhaleeceeyay Tunisia ‘hadallada nacaybka’ ee ka dhanka ah muhaajiriinta

February “25” 2023

Midowga Afrika (AU) ayaa dhaleeceeyay Tuniisiya waxayna ku booriyeen inay ka fogaato “Wararka isir nacaybka ah” ka dib hadaladii madaxweyne Kais Saied ee ku wajahan muhaajiriinta ka imanaya meelo kale oo qaaradda ah.

Saied ayaa amar ku bixiyay in dalka Tunisia laga eryo muhaajiriin aan sharciyeysneyn Talaadadii, isaga oo sheegay in socdaalka uu yahay qorshe looga dan leeyahay in lagu beddelo tirada dadka dalkiisa. Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda maxalliga ah ayaa cambaareeyay hadaladiisa, iyaga oo ku tilmaamay “cunsurinimo”

Bayaan ay soo saareen goor dambe oo jimcihii, ayaa guddiga Midowga Afrika waxa ay ku sheegeen in ay u yeereen wakiilka Tunisia kulan degdeg ah si loo diiwaan geliyo “naxdin qoto dheer iyo walaac laga qabo qaabka iyo nuxurka” oraahda isagoo ka wakiil ah ururka guud ee qaaradda.

“Guddoomiyaha gudiga Midowga Afrika H. E. Moussa Faki Mahamat wuxuu si adag u dhaleeceynayaa bayaanka naxdinta leh ee ay soo saareen mas’uuliyiinta Tuniisiya ee lagu beegsanayo dadka Afrikaanka ah oo ay ka soo horjeedo warqadda iyo niyadda Ururka iyo mabaadi’da aasaaska,” ayaa lagu yiri bayaanka.

AU waxa ay Tuniisiya xasuusisay waajibaadka ka saaran dadyowga African ka ah ee 55-ta xubnood ee ururka Midowga africa.

Moussa Faki waxa uu sheegay in dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika ay ku qasban yihiin in ay si sharaf leh ula dhaqmaan dhammaan muhaajiriinta meel kasta oo ay ka yimaadaan, kana fogaadaan hadalada naceybka ku saleysan ee dadka u horseedi kara dhibaato, ayna mudnaanta siiyaan ammaankooda iyo xuquuqdooda bini’aadannimo.

Wasaaradda arrimaha dibadda Tunisia ayaa Sabtidii sheegtay inay la yaabtay hadalka kasoo baxay Midowga Afrika, waxayna diiday waxa ay ugu yeertay “eedeymo aan sal iyo raad toona lahayn” oo ay ku sheegtay inay si khaldan u fahmeen mowqifka dowladda.

犀利士 size-large”>

Leave a Reply