Midowga Afrika oo ka horyimid Go’aankii RW Rooble ku ceyriyay Amb Madera

9″ April ” 2022

Midowga Afrika ayaa ka soo horjeestay go’aankii uu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ku ceyriyay Wakiilkii u joogay dalka, Ambasador Fransisco Madera.

Bayaan ka oo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat ayaa waxaa uu walaac ka muujiyay Go’aanka Ra’iisul wasaare Rooble ee ceyrinta Madera.

Sidoo kale, waxaa uu u mahadceliyay Madaxweynaha Muddo Xileedkiisu dhammaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka horyimid Go’aanka Ra’iisul wasaaraha.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Muse Faki ayaa sheegay in uu kalsooni buuxda ku qabo shaqada Ergeyga Gaarka ee Midowga Afrika, Fransisco Madera, isaga oo tilmaamay in ay sii wadi doonaan wada shaqeynta iyo xoojinta xiriirka ay la leeyihiin Dowladda Federaalka.

Hoos ka akhriso Bayaanka ka soo baxay Midowga Afrika