Midowga Afrika oo soo dhaweeyay heshiiska Soomaaliya iyo Itoobiya

Guddoomiyaha Gudiga Midowga Afrika Moussa Fakiayaa soo dhaweeyay heshiiska Ankara ay ku gaareen Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Abiy Ahmed Ali, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, kaas oo uu dhex-dhexaadiyay Recep Tayyip Erdoğan, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Türkiye.

Guddoomiyaha waxa uu sheegay in heshiiska uu yahay tallaabo muhiimka ah oo loo qaadey xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wuxuu si adag ugu dhiirigeliyay hogaamiyaasha labada dal inay hirgeliyaan qodobada la isku raacey, iyada oo aan dib loo dhigin.

Muse Faki ayaa sidoo kale ugu mahadceliyay Madaxweyne Tayyip Erdogan taageerada labada dhinac inay xaliyaan in khilaafkooda islamarkaana ay ku dhameeyeen wada hadal, iyadoo danta dalalkooda iyo shacabkooda ay diiradda saareen.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sameyn doono sanadka 2025 horaantiisa gudi wadajir ah oo ka shaqeeya hirgelinta heshiiska Ankara, waxaana Xukuumadda Abiy Ahmed la filayaa inay ku dhawaaqdo heshiiska badda inay ka laabatay

IGAD oo soo dhaweysay heshiiskii Ankara ee u dhaxeeyay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka ee Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Guriga