27,November, 2020 ,Muqdisho”
Golaha Midowga Murashixiinta ayaa war kasoo saaray hadal shalay kasoo yeeray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Mxaamed Maxamuud Cumar Filish, waxaana ay si kulul uga hadleen Murashixiintu hadalka Guddoomiyaha.

Qoraal kasoo baxay Mudowga musharaxiinta oo ay heshay shabakada dheeho.com ayaa lagu sheegay in hadal Cumar Filish uu yahay hadal colaadeed, kaasi oo la doonayo in bulshada la isaga horkeeno, waxaa sidoo kale ay Midowga Murashixiintu ay qoraalkooda ku sheegeen hadalka Guddoomiyaha uu yahay in uu yahay hanjabaad ka timid Madaxweyne Farmaajo.
Qoraalka ay soo saareen musharaxiinta midooday Hoos Ka Aqriso”

