Midowga Musharaxiinta Oo Jawaab Ka Bixiyay Hadal Kasoo Saaray Qoorqoor

9″ January ” 2021″ MUQDISHO”

Afhayeenka Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya Ridwaan Xersi Maxamed ayaa ka hadlay hadalkii Maanta kasoo yeeray Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ee ahaa inay fashilantay Waan-waantii uu waday ee la xiriira Khilaafka ka taagan Doorashada dalka ka dhaceysa.

Afhayeen Ridwaan Xersi ayaa Madaxweyne Qoorqoor ku eedeeyay inuu ka been sheegay dhex-dhexaadintii uu doonayay inuu ku xaliyo khilaafka iyo caqabadah weli ku hor gudban qabsoomida doorashada 2021.

Sidoo kale Afhayeen Ridwaan ayaa la yaab ku tilmaamay in Madaxweynaha Galmudug yiraahdo yiraahdo jawaab ayaan ka weynay dhinaca kale oo ula jeeday Musharaxiinta, wuxuuna Ridwaan xusay inay iyaga Jawaab ka sugayeen Qoorqoor.

Waxaan la yaabnay inuu yiraahdo jawaab ayaan ka weynay, muddo saddex cisho ah inuu tashi nagula soo laabto ayey aheyd, jawaab sax ah oo nooga timid Qoor Qoor ma jirto,” ayuu yiri Afhayeenka Midowga Musharaxiinta Madaxweyaha.

Isaga oo sii hadlaayay Afhayeen Ridwaan Xersi ayuu sheegay in aysan suura-gal aheyn sida hada ay wax ku wado dowladda Federaalka oo xusay in lagu boobayo doorashada, ayna wax aan wanaagsaneyn dowladda ka qaatay doorashada 2021.

“Ma jiro weli wax xal ah oo laga gaaray arrimaha doorashooyinka dhan walba, guddiga lagu muransan yahay, arrimaha Gobolka Gedo iyo xubnaha wakiilada Somaliland, balse dowladda waxey ku dhawaaqday in doorashada horay loogu socon doono” ayuu sii raaciyey hadalkiisa Afhayeenka Midowga Musharaxiinta Madaxweyaha.

Si kastaba Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku dhawaaqay in Xukuumaddu ay go’aansatay in la guda galo hirgelinta doorashooyinka, si aan wakhti kale looga lumin shacabka Soomaaliyeed

Leave a Reply