Midowga Musharaxiinta oo Ku Dhawaaqay Banaanbaxyo Ka Dhacaya Muqdisho

February ” 14″ 2021

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, marxalada kala guurka iyo muranka ka taagan doorashada dalka ka dhaceysa oo lagu heshiin waayay.

Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dhammaaday waqtigiisa, isla markaana uu kursiga 6 maalmood ugu fadhiyo si sharci darro.

Sheekh Shariif ayaa Farmaajo ku eedeeyay inuu ilaalin waayay dastuurta dalka, uuna markii horey dadka u sheegay in dalka laga qabanayo doorasho qof iyo Cod ah, hayeeshee uu ku fashilmay arrintaas.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay Sheekh Shariif in Farmaajo la heshiin waayay Madaxda dowlad Goboleedyada, isla markaana lagu guul-darreystay in la hirgeliyo heshiiskii laga gaaray doorashada dalka ka dhaceysa 17-kii September 2020.

Musharaxiinta ayaa ku dhawaaqay in Muqdisho lagu qabanayo Banaanbaxyo waaweyn oo nabadeed, isla markaana lagu dalbanayo in la qabto doorasho heshiis lagu yahay, kaasi oo dhici doona Maalinta Jimcada soo socota, iyagoona shacabka ugu baaqay inay isu soo baxaan, kana soo qeyb galaan banaanbaxa.

Leave a Reply