Midowga Musharaxiinta oo Kulan La Qaatay Ururrada Bulshada Rayidka

February “6” 2021 MUQDISHO-

Midowga Musharaxiinta u taagan qabashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Maanta hotelka Jasiira ee Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga xaaladda siyaasadeed ee dalku marayo iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashooyinka Soomaaliya oo weli la isku mari la’yahay.

Ururrada Bulshada ayaa Musharaxiinta u sheegay in loo baahan yahay in dalka ay ka dhacdo doorasho heshiis lagu wada yahay, isla markaana ku baaqay in xal laga gaaro khilaafka taagan.

Sidoo kale Ururrada Bulshada ayaa Midowga Musharaxiinta u gudbiyay waalaca ay ka qabaan natiijo la’aantii uu kusoo dhammaaday Shirkii Madaxda dowladda Federaalka, kuwa maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb.

Dhinaca kale Musharaxiinta ayaa dhankooda sheegay in rajo badan laga qabay Shirkii Dhuusamareeb oo la filayay inay soo bixi kareen heshiis xal u noqon karay muranka jira, hayeeshee natiijo la’aan uu kusoo idlaaday.

Ugu dambeyn Musharaxiinta ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Madaxweyne Farmaajo uu heshiis la gaari waayay Madaxda dowlad Goboleedyada, iyagoona ku eedeeyay inuu caqabad ku yahay saddex qodobada la isku haayo.

Leave a Reply