28″ April “2021” MUQDISHO
Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyay go’aankii Madaxweyneyaasha Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle ay uga soo horjeesteen muddo kordhinta labada sanno ee loo sameeyay Madaxweyne Farmaajo
Qoraal ka soo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa go’aan geesinimo leh ku tilmaamay mowqifka saddexda maamul Goboleed ka qaateen muddo kororsiga.
Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayey Musharaxiinta uga digeen in Ciidamada Qalabka Sida uu u adeegsado danahiisa siyaasadeed, iyagoona ugu baaqay inay ka waantoobo arrintaas