MUQDISHO — 16″ “Aug” 2021 ” Monday
Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya, oo war-murtiyeed kasoo saaray shir saddex maalmood socday oo ay ku yeesheen Muqdisho, ayaa sheegay inay walaac ka muujinayaan sida ay ku billowdeen doorashooyinka dalka.
Golaha ayaa sheegay inay kulamo iyo wada-hadallo la yeesheen Guddiga Doorashooyinka Heer-Qaran ee (FEIT), ururrada bulshada rayidka iyo beesha caalamka, iyo Ra’iisa lwasaare Maxamad Xuseen Rooble.
“Goluhu wuxuu adkaynayaa in habraaca doorashooyinka Aqalka Hoose ay noqdaan kuwo daahfuran oo wadar-ogol ah,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.
Golaha ayaa soo jeediyey afar qodob oo kala ah:-
1- In 135-kii oday dhaqameed ee loo aqoonsanaa hoggaanka dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ay saldhig u noqdaan soo xulista ergooyinka dooranaya xildhibaanada aqalka hoose.
2- In doorashada ay ka dhacdo goob amnigeeda sugan yahay oo ay booliska federaalka, dawlad-goboleedka iyo AMISOM ka wada qaybqaataan.
3- In kaalinta dawlad-goboleedka ay ku ekaato fududaynta iyo habsami-u-qabashada doorashooyinka.
4- In bulshada rayidka ah, ururrada caalamiga iyo xubnaha beesha caalamka ay goobjoog ama korjoog犀利士 ka ahaadaan habsami u socodka doorashooyinka.
Midowga Musharaxiinta ayaa dhanka kale ugu baaqay ra’iisul wasaare Rooble in uu ballaariyo kulanka ay ku ballansan yihiin madaxda madasha watashiga qaran “si loo xaqiijiyo qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah oo ku dhacda si nabad ah, dalkana u horseedda xasilooni siyaasadeed.”