Musharixiinta Iyo Maamul Goboleedyada Shaaciyay Qabashada Doorasho Lagu Muransan Yahay oo Muqdisho Shir Uga Socdo

10″ January ” 2021″ MUQDISHO”

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed ee ayaa shir caawa kula leh, Hotelka Decale Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha.

Kulankan ayay labada dhinac uga hadleen is mari waaga ka taagan doorashada iyo go’aankii Xukuumadda ee ahaa in doorashada la guda galayo, waxaana War saxaafadeed ay soo saareen Musharaxiinta ku cambaareeyeen go’aanka Xukuumadda ee ahaa qabashada doorasho ay ka maqan yihiin dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.


Kulankan ayaa yimid kadib markii maanta kulan waqti badan qaatay ay ku yeesheen Madaxtooyada Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda dowlad goboleedyada ee Muqdisho ku sugan.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ka digey in doorasho aan loo dhamayn laga qabto dalka isagoo ku baaqay in wadahadalo la isugu yimaado.

Shirka ayaa ka socda Hotelka Decale oo u dhow garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana ku kulansan halkaa Midowga Musharixiinta iyo Madaxweynayaasha maamulada Hir-Shabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxda maamulgoboleedyadan ayaa goob joog ka ayaa kulan uu Raysilwasaare rooble kaga dhawaaqay qabashsda doorasho lagu muransan yahay , xili ay ka maqan yihiin maamulada butland iyo jubaland taas oo musharaxiintuna ay ka soon horjeesteen way adagtahay in la saadaaliyo is afgarad ka kulankan oo casho ah

Leave a Reply