Midowga Yurub ayaa cambaareeyay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter ka Gen Muhoozi oo ah wiil uu dhalay Madaxweyne Museveni kaas oo taageeray duulaanka Ruushka uu ku qaaday dalka Ukraine

Maarso 02, 2022″” https://dailytrust.com/

Midowga Yurub ayaa cambaareeyay wiilka Museveni oo taageero u muujiyay duulaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine.

Ku xigeenka wafdiga Midowga Yurub oo ku sugan dalka South Sudan ayaa ku tilmaamay hadalka wiilka Museveni mid “aan la aqbali karin”

Dionyz Hochel wuxuu sheegay in Uganda ay wajahi doonto cawaaqib xumo waa haddii si bareer ah ay u taageereyso duulaanka Ruushka ee Ukraine.

Wiilka Museveni oo taageeray duulaanka Ruushka ee Ukraine

Lt Gen Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa taageero u muujiyay duulaanka Ruushka ee Ukraine.

Gen Kainerugaba – oo ah taliyaha ciidamada dhulka ee Uganda – ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in “inta badan bini’aadamka (kuwa aan caddaanka ahayn) ay taageeraan mowqifka Ruushka ee Ukraine”.

“Putin gabi ahaanba waa sax!” ayuu ku daray.

“Markii USSR ay ku dhigtay Cuba gantaalada hubaysan ee nukliyeerka 1962, reer galbeedku waxay diyaar u ahaayeen inay qarxiyaan aduunka. Hadda marka Nato uu sidaas oo kale sameeyo waxay filayaan in Ruushka uu sameeyo si ka duwan.”

Isaga oo la socda Gen Mohamed Hamdan “Hemeti” Dagolo ee Suudaan, Gen Kainerugaba waa sarkaalka sare ee militariga kaliya ee Afrika si cad u taageera duulaanka Ruushka ee Ukraine.

Waxaa lagu xamanayaa inuu noqon karo bedelka aabihiis oo 77 jir ah, kaasoo xukunka hayay tan iyo 1986-kii.

Urur goboleedka Galbeedka Afrika ee Ecowas ayaa cambaareeyay duullaanka Ruushka, halka Midowga Afrika uu ugu baaqay Moscow inay ixtiraamto “midnimada dhuleed” ee Ukraine.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Koonfur Afri犀利士 ka ayaa ku baaqday in ciidamada Ruushka laga saaro dalka Ukraine.

Kainerugaba ayaa sidoo kale dib u faafiyay saxafiga caanka ah ee reer Uganda Andrew Mwenda, kaas oo sheegay in xitaa “qofka hiwaayadda u ah siyaasadda awooda caalamiga ah uu arki karo in Moscow aysan marnaba ogolaan karin ku biiritaanka Ukraine ee Nato & EU, sababtoo ah waxay khatar ku tahay Ruushka

Leave a Reply