3″ October 2022-BRUSSELS
Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay in xaalada bini’aadantinimo ee gobolka Tigray ay sii xumaatay, kadib markii uu dib u soo cusboonaaday dagaalkii sokeeye.
Malaayiin ayaa laga reebay gargaarka bini’aadantinimo ee Tigray-ga ay colaaduhu saameeyeen
Midowga Yurub [EU] ayaa walaac ka muujiyay xannibaadda gargaarka bini’aadantinimo ee gobolka Tigreega tan iyo markii ay dib u soo cusboonaadeen colaadaha gobolka woqooyiga Itoobiya, taas oo aad ugu adkeyd xubnaha beesha caalamka inay caawiyaan kumanaan qof oo ah oo wajahaya gaajo.
Midowga Yurub ayaa xusay in dagaalka ka socda gobolka Tigray ay ku dhinteen kumannaan qof inkastoo Addis Ababa ay ku doodday wararkaas. Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya [ENDF] iyo dhiggooda Eritrea ayaa bartilmaansanayay Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray [TPLF].
War qoraal ah oo ay soo saartay Guddigeeda Maareynta Xasaradaha, Midowga Yurub ayaa lagu xaqiijiyay wararka sheegaya in “saadka badeecooyinka bini’aadantinimada iyo shidaalka, iyo sidoo kale helitaanka lacagta caddaanka ah, ay weli gebi ahaanba xanniban yihiin Tigray”. Helitaanka bini’aadantinimada ayaa sidoo kale “si weyn u xanniban dhammaan goobaha ay dhibaatadu saameysey ee Axmaarada iyo Canfarta.”
Madaxa maareynta xasaradaha ee Midowga Yurub, Janez Lenarcic, ayaa sheegay in xaaladda bini’aadantinimo ay gaartey meel halis ah, oo ka xun dagaalka ka hor, haatanna ay ka sii dartay.
“Kadib dhamaadkii dagaalka, xaaladda bini’aadantinimo ee waqooyiga Itoobiya, waa ay ka sii daraysaa, Midowga Yurub ayaa ka walaacsan arrintaasi,” ayuu yiri guddoomiyaha.
Tobanaan kun oo qof, ayaa mar kale ka barakacay dagaalada soo cusboonaaday, waxaana la sheegay in burbur xoogan uu soo gaarayo hantidii, kaabayaashii dhaqaalaha iyo dadka deegaanka.
Ururku ayaa wuxuu sheegay in xaaladda bini’aadantinimo ee gobolka ay mar horeba aheyd mid aad u liidata, ayna kasii dari doonto dhibaatada, haddaan degdeg wax loogga qaban.
Dib u soo cusboonaanshaha dagaalka, ayaa si weyn u hor istaagay in garga犀利士 ar bini’aadantinimo la gaarsiiyo waqooyiga Itoobiya, ururka Midowga Yurub, ayaa sidaasi sheegay.
Waxaa wali gabi ahaanba go’an jidadkii la marin lahaa sahayda iyo agabka aasaasiga u ah nolosha, shidaalka iyo dhaqaalihii la gaarsiin lahaa Tigrayga, iyadoo sidoo kale dhibaatadan lagu arkayo deegaanada Axmaarada iyo Canfarta oo uu dagaalku ku fiday.