28″ May “2021” Friday ” https:/
https://eeas.europa.eu/headquarters/headquarters-homepage_en
Midowga Europe oo taageeray heshiiskii ay shalay ay wada saxiixdeen hoggaameyaasha Soomaalida, ayaa sheegay in ay ahayd talaabo muhiim ah oo loo qaaday qabsoomida doorashooyin nabadeed oo waafaqsan heshiiskii Sebtember 17.
Waxaan soo dhoweyneynaa dadaallada uu wado Ra’iisul Wasaare Rooble ee wadatashiyada wax ku oolka ah ee u dhexeeya hoggaanka federaalka iyo maamul goboleedyada, ayaa lagu yiri bayaaanka midowga Europe oo ku booriyay madaxda soomaalida in lagu qabto Doorashooyinka dib u dhac la’aan.mudada LA qabtay ee ah 60 ka maalmood gudahood .
Xayeeysiin
Bayaanka Wakiilka Sare /ee midowga Europe oo ah Madaxweyne ku xigeenka Josep Borrell ayaa ku saabsan guul ku dhammaadka shirkii wadatashiga qaran ee soomaaliya waxaanu sheegay in uu taageerayo dedaalada uu garwadeenka ka yahay Ra’iisul wasaare Rooble.
“Waxaan soo dhoweyneynaa dadaallada uu wado Ra’iisul Wasaare Rooble ee wadatashiyada wax ku oolka ah ee u dhexeeya hoggaanka federaalka iyo maamul goboleedyada. Doorashooyinka waa in lagu qabto dib u dhac la’aan” ayuu yiri Josep Borrell.
Isagoo sii hadlaya ayaa waxaa uu yiri “Midowga Yurub wuxuu diyaar u yahay inuu sii wado taageeradada Soomaaliya”
Tallaabooyinka xiga ee geeddi-socodka, waxaa muhiim ah in dhammaan dhinacyadu ay sii wadaan ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soon baxay midowga yurub
Waxayna ku baaqeen ka-qaybgalka wax-ku-oolka ah ee ka fogaanaya rabshadaha ama tallaabooyinka wax u dhimaya geeddi-socodka. Midowga Yurub wuxuu diyaar u yahay inuu sii wado taageeradeena