Midowga Yurub oo ka laabtay hakinta gargaarkii uu siin jiray Falastiiniyiinta

10- October-2023

Guddiga sare ee Yurub ayaa dhawaan ku dhawaaqay inaay joojinayaan gargaarka ay siiyaan Falastiiniyiinta, ka dib weerarkii dhaqdhaqaaqa Xamaas uu ku qaaday Israa’iil.

Midowga Yurub ayaa galinkii danbe isniintii shalay ka laabtay hadal ka soo baxay Midowga Yurub oo ku saabsanaa in Ururka uu si degdeg ah u hakin doono kaalmada uu siiyo maamulka Falastiiniyiinta, isagoo taa beddelkeeda sheegay inay dib u eegis ku samayn doonaan gargaarka la siiyo Falastiiniyiinta, ka dib weerarradii ay Xamaas ku qaadeen Israa’iil.

Bayaan ka soo baxay midowga Yurub oo ka mid ah ilaha ugu muhiimsan ee gargaarka horumarineed ee Falastiin, ayaa la gu sheegay in dib u eegis lagu sameynayo miisaaniyadda la siiyo maamulka Falastiiniyiinta, balse aanan la hakinin.

Dhulka falastiiniyiinta, oo ay ka dhacaan tacadiyo kala duwan  ayaa waxaa ku nool ilaa 2.1 milyan oo qof, oo ay ku jiraan hal milyan oo carruur ah, k壯陽藥 uwaas oo u baahan gargaar bini’aadantinimo.