Madaxa siyaasadda arimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa uga digay Turkiga, in uu wajihi doono cunaqabateyn hadii uu sii wado ficillada gardarada ah ee bariga badda Mediterranean-ka ay ka wadaan sida uu hadalka u dhigay.
Hadalada Borrell ayaa yimid kadib kulan ay yeesheen wasiirada arimaha dibada ee dalalka midowga Yurub.
Sargaalkaan reer Yurub ayaa ka hadlay dareen kacsanaan leh oo ka soo kordhay ficilada Turkiga.
Turkiga ayaa gaas ka baaraya biyo ay Gariiga iyo Jaziiradda Cyprus aaminsanyihiin in iyagu leeyihiin .
Tallaabooyinka soo socda ee Midowga Yurub ayay u badantahay, in looga wada xaajoon doono, shir ay yeelanayaan wadamadaan oo dhacaya 24- bisha September ee soo aadan .
Waxaana looga gol leeyahay tallaabooyinkan in lagu xakameeyo awoodda Turkiga uu ku baadi goobeyo, gaaska dabiiciga ah ee biyaha la isku haysto.
Wasaaradda arrimaha dibedda ee Turkiga ayaa mowqifka Midawga Yurub u aragta mid aan sax aheyn, waxayna diidday sheegashada Giriiga ee xuquuqda badda Mediterranean-ka.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga oo lagu magacaabo Hami Aksoy, oo ka hadlay arrintaan ayaa yiri, “Midowga Yurub awood uma lahan inay dhalleeceeyaan howlaha batroolka ee ka socda gudaha dalkeenna, waxaanna ka dalbaneynaa in ay joojiyaan arrintaan”.
Mr Borrell iyo wasiirka Arimaha dibadda ee Jarmalka Heiko Mas, ayaa carabka ku adkeeyay in Midowga Yurub uu doonayo in uu siiyo fursad wada hadal ,si loo xakameeyo xiisadda u dhaxeysa Giriiga iyo Turkiga oo labaduba xubno ka ah gaashaan-buurta NATO.
Sidoo kale Maraakiib Turkiga laga leeyahay ayaa maanta dhoolatus militeri ku soo bandhigay badda muranku uu ka taagan yahay ee Mediterranean-ka, taas oo sii kordhin karta xiisadda kala dhaxeysa Giriigga