Mikel Arteta ayaa qorsheynaya inuu Willian ka ciyaaro boos cusub ka dib marka uu ka soo dhaqaaqo Chelsea

32 jirka reer Brazil ayaa ka tagay Stamford Bridge isbuucaan ka dib todobo sano oo uu ku sugnaa galbeedka London.

Xiddiga reer Brazil inta badan waxaa loo isticmaalaa inuu garabka midig ka ciyaaro Chelsea, inkastoo uu ka hoos ciyaaray shan tababare oo kala duwan intii uu joogay kooxda.

Si kastaba ha noqotee, Willian wuxuu had iyo jeer dareemayay in si khaldan loogu adeegsaday Chelsea iyo in booskiisa ugu fiican uu ku leeyahay door dhexe oo ka danbeeya weerarka dhexe.

Arteta ayaa si cad u oglaaday isla markaana kooxda reer Spain qorshaynayso inay Willian u adeegsato doorka nambarka 10-aad xilli ciyaareedka soo socda, sida ay qortay Mirror.

SALAAM SOMALI BANK

Inkasta oo dhererka dalabka Arsenal la rumeysan yahay inuu ahaa furaha ugu weyn ee u dhaqaaqista Willian ee Emirates, qorshooyinka Arteta ee isaga ayaa si cad saameyn ugu leh fekerkiisa waxaana uu ugu dambeyntii heli doonaa xiddig ka ciyaara booska dhexe ee uu doonayay.

Willian ayaa qarka u saaran inuu qalinka ku duugo heshiis seddex sanadood ah, in kasta oo uu ka yarayn doono mushaharka looga goyn doono qandaraaskiisa £ 120,000-ee-usbuucii ah ee uu ku qaato kooxda Chelsea oo uu usbuucii ku qaadan doono lacag dhan 100,000 oo gini.

Xiddiga garabka ka ciyaara ayaa lagu soo waramayaa inuu ku sugnaa waqooyiga London Isniintii si uu tijaabada caafimaad ugu maro Gunners, waxaana ay u badan tahay in kooxda ay ku dhawaaqi doonto imaatinkiisa isbuucaan.

Leave a Reply