30″ April ” 2021
Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka sameeyeen deegaannada Mubaarak, Daarusalaam, iyo Isoo-mareey oo hoostaga degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha hoose waxaa sheegeen in ay ku bur buriyeen goobo Al-shabaab ay ku diyaari jireen qaraxyada.
Howlgalkaan ayaa waxaa fuliyay ururka 3-aad guutada 17-aad kumaandooska Xoogga ee gaar ahaan kuwa Gor-gor waxaana sidoo kale hogaaminyay G/le Suulnuuge Taliyaha Ururka 3-aad guutada 17-aad kumaandooska Xoogga ee Gor-gor iyo Cabdulaaha Mustaf Cali Madaale Qaran.
Ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay inay bur buriyeen goobo badan oo ay Al-shabaab si dhuumaleysi ah uga farsamey jireen qaraxyada waa sida hadalka ay u dhigeene.
Saraakiishu waxaa ay intaas ku dareen Muhiimada howlgalka uu ahaa sidii Al-shabaab looga saari lahaa Degaanada hoostaga Degmada Awdhegle ee Gobalka Sh/hoose, waxaana sidaas warbaahinta u sheeegay Taliyaha ururka 3-aad guutada 17-aad ee kumaandooska ciidamada Gor Gor.
