Mira-dhalka maalintii labaad iyo kulamada madaxweynayaasha Somalia & Uganda

犀利士 9, Aug, 2022, Kampala

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadallo miro dhal ah la yeeshay dhiggiisa Uganda Yoweri Museveni, oo booqasho rasmi ah oo saddex maalmood qaadatay ku joogay dalka ku yaalla Bariga Afrika, sida laga soo xigtay xafiiskiisa maanta oo Isniin ah.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac oo dhinacyo badan leh iyo dadaallada la doonayo in laga wada shaqeeyo xasilloonida gobolka, ayaa lagu yiri war ka soo baxay Villa Soomaaliya.

Xubnaha wasiirada labada dal ayaa kala saxiixday heshiisyo laba geesood ah oo aan wali si cad loo faah faahin nuxurka ay xambaarsan yihiin. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ee xilka ka degaya iyo dhiggiisa Uganda ayaa ka mid ahaa saxiixayaasha heshiisyada aan la shaacin.

Uganda ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga kumannaan askari oo ka tirsan howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika. Musaveni ayaa sanadkii hore ku hanjabay in uu ciidamadiisa ka saari doono dalka, hadii maamulada Soomaaliya iyo ciidamada amaanka ay sii wadi waayaan masuuliyada amniga dalkooda. Waxa uu ku eedeeyay khilaafka madaxda Soomaalida inay sabab u yihiin dib u dhaca joogtada ah ee ku yimid dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Safarka uu ku tagayo dalka Uganda oo ah kii 8-aad tan iyo markii uu xafiiska la wareegay bishii May, Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu ka qeyb galo shir madaxeedka maalgashiga oo ay ku martigelinayaan ganacsato Soomaali iyo Uganda isugu jira iyo mas’uuliyiin iyo diblomaasiyiin ka kala socda labada dal.

Leave a Reply