Mucaaradka Jubbaland talaabo nuucee ah ayay qaadayaan kadib qodobadii dastuurka ee maanta wax laga badalay?

2-July-2024-BBC

Kalfadhi ay maanta yeesheen baarlamaanka Jubbaland ayay ku sheegeen in ay wax ka badal ku sameeyeen laba qodob oo ka mid ah dastuurka Jubbaland.

Qodobka 26 aad ee dastuurka oo ay sheegeen baarlamaanku in ay ka dhigeen mid ogolaanaya in xubnaha baarlamaanku ay golaha wasiirada ku biiri karaan, iyo qodobka 70 aad oo ay meesha ka saareen kaas oo xanibayay inta jeer ee madaxweynaha dawlad goboleedka la soo doran karo oo ay meesha ka saareen, ayaa ah kuwa isbadalka ugu wayni ku dhacay, sida xubin ka mid ah baarlamaanka u sheegay BBC da.

Balse qodobka hadalhaynta dhaliyay ayaa ah kan 70 aad ee ay meesha ka saareen baarlamaanku.

“Qodobkii 70 aad ee dabarka ahaa ee madaxweynaha Jubbaland wuxuu xilka hayn karaa laba kal, isagana waa la furay. Qodobka 65 aad ayaa loo soo raray asaga meesha ayaa laga saaray,” ayuu BBC da u sheegay gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Jubbaland Cabdi Xuseyn.

Gudoomiyaha ayaa ku sii adkeeyay hadalkiisa in madaxwaynuhu uu haatan wixii ka dambeeya isku soo sharrixi karo madaxtinimada “inta uu doono”.

Balse waxaan warkaan qanaaco ka muujin qaar ka mid ah mucaaradka xukuumadda haatan talada haysa ee Jubbaland ee hugaamiyo madaxweyne Axmed Madoobe.