Mudaaharaadyo ka dhan ah filmka Prithviraj ee uu wado jilaaga Akshay Kumar ayaa ka qarxay meelo ka mid ah India

27″ January “2022 “BOLLYWOOD NEWS

Mudaaharaadyo lagu dalbanayo in la badalo xarafka ‘Rajput’ ee ku jira filmka Prithviraj oo uu wado jilaaga Akshay Kumar ayaa ka qarxay meelo ka mid ah India markii Bulshada Gurjar ay ku hanjabtay inay qaadacayaan daawashada filmka oo dhawr jeer dib u dhacay inta lagu jiro xanibaadaha COVID-19

犀利士 “has-text-align-center has-white-color has-vivid-cyan-blue-background-color has-text-color has-background has-custom-weight” style=”font-weight:900″>Xayeeysiis

Tan iyo markii lagu dhawaaqay dabayaaqadii 2020 ,filmka uu wado jilaaga Akshay Kumar ee Prithviraj oo xaalada covid -19 uu dhawr mar dib u dhac ku yimid waxaa jiray muran ka imaanayay dadka ka soo jeeda beesha Gurjar

Dibad-baxayaal ka soo horjeeda in xaqiiqooyinka taariikhiga ah sinaba loo adeegsado ayaa ku hanjabay In ay carqaladayn doonaan Bandhiga filimka Prithviraj ee uu wado jilaaga Akshay Kumar ,

Dadkan beesha Gurjar ayay caradoodii sii siday markii todobaadkan la shaaciyay in tiyaatarada la saari doono filmka Prithviraj waxay si aad ah isugu soo baxeen macbadka Devnarayan ee ku yaal Vaishali Nagar, si ay uga mudaaharaadaan filimka soo socda ooy diidan yihiin in loo isticmaalo xarafka ‘Rajput’ ee Prithviraj.

Dadka isu soo baxay waxay xireen wadooyinkii, iyaga oo gubaya taayarada baabuurta waxayna markii danbe isugu soon urureen xafiiska degmada iyaga oo kusoo bandhigay qoraal ay ku muujinayaan diidmadooda iyad

Dibad-baxayaashu ay ku andacoonayeen inay carqaladayn doonaan daawashada filimkaas haddii codsigooda la aqbali waayo.

Xayeeysiis

Harchand Gurjar oo ah madaxa gudiga dib u habaynta ee dhamaan India Veer Gurjar Samaj ayaa aaminsan in magaca filimka Prithviraj wax laga badalo iyo in xaqiiqooyinka taariikhiga ah aan sinaba loo adeegsan.

Wuxuu codsaday in wax walba la shaaciyo gabi ahaan. Boqorka, sida ay bulshadu sheegtay, waxa uu ka tirsanaa kooxdooda. Kahor Prithviraj inuusan tiyaatarada gaarin, ururka Gurjar waxa uu codsaday in la baaro wakiiladooda iyo taariikhyahanadooda.

AQRIN DHEERAAD AH KA DIB HOOS U SII DAG

Akshay Kumar ayaa filimka Prithviraj ku jilaya hogaamiyaha Hinduuga ah ee Prithviraj Chauhan. Sanjay Dutt, Ashutosh Rana, iyo Sonu Sood ayaa sidoo kale jilaya Filimkan. Miss World 2017 Manushi Chhillar ayaa soo gali doonta Filimkeda ugu horeyay ee Bollywoodka kaaso uu Director ka yahay Chandraprakash Dwivedi.

Dwivedi waxa uu hadda wadaa filimka muddada ah Prithviraj  ee uu wado megastar Akshay Kumar iyo hore Miss World 2017 Manushi Chillar.

DHINACA KALE Ashkey Kumar ayaa u hambalyeeyay agaasimaha filimkiisa ku guuleysiga Padma Shri. Akshay ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray, “

Waxa aad ii farxad galinaysa in aan magacyo waaweyn ku arko liiska #PadmaAwards. Guulo la yaab leh oo ka socda Sayniska, Ciidamada Qalabka Sida, Isboortiga, Warshadaha, Farshaxanka… Iyo dabcan saaxiibkay agaasime Dr Chandraprakash Dwivedi. sharaf weyn.”

Agaasimaha Prithviraj iyo qoraaga qoraalka ayaa caan ku ah agaasimida sheeko-yaqaankii telefishinka Chanakya  oo uu sidoo kale ka ciyaaray doorka ciwaanka ee istiraatijiyadda siyaasadeed oo uu ku soo jiitay malaayiin daawadayaal ah

Leave a Reply