Mudanayaal uu ku jiro siyaasiga cabdiraxman cabdishakuur iyo kulane jiis oo loo haysto dilkii ikran tahliil ayaa lagu doortay magaalada dhuusamareeb

壯陽藥 — wp:paragraph {“textColor”:”vivid-red”,”kioblocks”:[],”fontWeight”:”800″} –>

14″ Feb”2022 ” Dhuusamareeb”

Hogaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku soo baxay kursiga tirsigiisu yahay 138 ee ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya

Cabdiraxmaan oo la sii saadaaliyay inuu ku soo bixi doono kursigan ayaa waxaa kula qornayd gabar lagu magacaabo Naciimo Xuseen Cali oo aan saaxadda siyaasadda laga aqoon, markii dambe na u tanaasushay.

Maanta oo taariikhdu tahay 14-da Febaraayo 2022 guddiga Doorashada Galmudug ayaa  qabtay Doorashada afar kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kursiga nambarkiisu yahay HOP138 ayaa ka mid ahaa kuraasta maanta lagu doortay Dhuusamareeb ayaa waxaa horay isku diiwaangeliyeen Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Naciimo Xuseen Cali.

waxaa ka tanaasulay tartanka Naciimo Xuseen Cali, iaydoo ergadu hab gacan taag ah ugu codeeyeen musharax Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame waxaana ogol ugu codeeyey 86 ergada ah oo ah dhamaan ergada ah.

Sidaa daraadeed waxaa ku guuleystay doorashada kursi HOP#138 Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame oo helay 86 cod.

Sidoo kale Kursiga nambarkiisu yahay HOP007 oo ay isku diiwaangeliyeen Farah Cabdi Diiniiyo  Mohamed Cabdi Cali, Waxaa ka tanaasulay tartanka Mohamed Cabdi Cali, waxaana ergadu hab gacan taag ah ugu codeeyeen musharax Farah Cabdi Diini waxaana ogol ugu codeeyey 76 ergada ah oo ah dhamaan ergada ah.

Kursiga kale ee nambarkiisu yahay HOP040, oo labo musharax isku diiwaangeliyeen, oo kalana ah: Cabdullaahi Adan Kulane iyo  Xasan Cabdi Jaamac, ayaa Waxaa ka tanaasulay tartanka Xassan Cabdi Jaamac, iaydoo ergadu sida kuraastii hore ay hab gacan taag ah ugu codeeyeen musharax Cabdullahi Adan Kulane’

Sidaa daraadeed waxaa ku guuleystay doorashada kursi HOP#040 Cabdullaahi Adan Kulane oo helay 101 cod.

Leave a Reply