Mugdiga ku hareereeysan helitaanka natiijo la aamini karo .

10″ January “2022” Muqdisho

Is,hortaaga fulinta go,aamada ooy suurtagal tahay in ay ka timaado 4 maamul goboleed oo farmaajo madaxfurasho u haysto waxay noqon kartaa Mugdi ku hareereeysan helitaanka natiijo la aamini karo, iyadoo khilaafka uu Faramaajo kala hor, yimaado Raysilwasaaraha xilgaarsiinta Maxamed xuseen Rooble oo ah hogaanka doorashada ay walaac gelisey bulshada soomaaliyeed iyo beesha caalamka.

Madaxda Soomaaliya ayaa isku raacay in doorashada aysan ka daba Marin 25-ka Febraayo ka dib ib u dhacyo soo noq-noqanayay mudo sanad ah oo doorashada ka dhigtay mid jiitanta .

Madaxweynihii hore ee Somalia maxamed cabdulaahi farmaajo oo madaxfurasho u haysta 4 maamulgooleed iyo taliyaasha ciidamada ayaa wali noqon kara caqabad aysan ka dhaqaaqi karin doorashada

Khilaafka uu Faramaajo kal a hor, yimaado Raysilwasaaraha xilgaarsiinta Maxamed xuseen Rooble oo ah hogaanka doorashada ayaa walaac geliyey beesha caalamka.

Madaxda Soomaalida ayaa ku dhawaaqay inay heshiis ku gaareen in doorashada guddoonka baarlamaanka lagu soo gabagabeeyo 25-ka bishan Febraayo, kaddib dib u dhacyo soo noqnoqday oo halis geliyay xasilloonida dalka.

Heshiiska ayaa Axadii lasoo dhaafay ka dib wadahadalo dhowr maalmood qaatay oo uu martigeliyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo uu la qaatay madaxda dowlad goboleedyada, kaasi oo looga gol lahaa in lagu soo afjaro is mari waaga doorashada.

“Doorashada Golaha Shacabka [Aqalka Hoose] ee socota waxaa la soo gebagebeyn doonaa inta u dhexeysa January 15 iyo February 25, 2022,” ayaa lagu yiri war-murtiyeed laga soo saaray wadahadalladii ka dhacay caasimadda Muqdisho.

Rooble iyo Madaxw犀利士 eynaha mudo xileedkiisu dhamaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa muddo dheer ku muransanaa doorashada dib u dhac ku yimid, iyadoo laga cabsi qabo in dagaalkooda uu qarxo.

Beesha Caalamka ayaa qeylo dhaan ka soo saartay dhibaatada jirta, iyagoo ka baqaya xasiloonida dalka oo ay weli ka socdaan dagaalo lagu hoobtay oo ay wadaan kooxda hubaysan ee Al-Shabaab.

Balse Rooble ayaa ku eedeeyay farmaajo in uu ku tuntay dastuurka isla markaana uu isku dayay inqilaab, isla markaana uu ka dhago adaygay amarkaas, halka Farmaajo qudhiisa uu la kulmay baaqyo kaga imaanayay madaxda mucaaradka oo ahaa in uu xafiiska baneeyo.

Muddada afarta sano ah ee Farmaajo waxa ay ku ekeyd Feebarwari 2021, balse waxa uu baarlamaanka u kordhiyey bishii April, taas oo dhalisay dagaalo lagu hoobtay oo ka dhacay waddooyinka Muqdisho, iyada oo qaar ka mid ah kuwa iska soo horjeeda ay u arkeen in ay tahay awood xoog leh.

Rooble dabadeed waxa uu dallacay jadwal cusub oo codayn ah, balse bilihii xigay, labadan qof ee xifaaltanka qadhaadh ayaa mar kale meesha ka saaray doorashada.

Waxay ku heshiiyeen in bisha Oktoobar la aaso xabashida, waxayna soo saareen baaq midaysan oo ku aaddan in la dardargeliyo hawlaha doorashada.

Laakin isku dhacooda ayaa mar kale banaanka u soo baxay markii Farmaajo uu shaqada ka joojiyay Rooble, isagoo ku eedeeyay usuqmaaduq iyada,oo farmaajo kiiskii ikraan tahliil oo lagu tuhunsan yahay fahad yaasiin oo farmaajo xulufo la,ah tiiyoo ay xigtay iskuaday Afami oo Rooble uu ku eedeeyay farmaajo in uu soon abaabullay

Doorashada Soomaaliya ka dhacaysa waxay raacdaa qaab dadban oo qalafsan, kaasoo ay sharci-dejiyeyaasha dawlad-goboleedyada iyo ergooyinka beelaha soo xulaan xildhibaannada baarlamaanka qaranka, kuwaasoo iyaguna dooranaya madaxweynaha.

Leave a Reply