GALMUDUG” Waxaa ku kulmay dabaaldeg ,dagaal argagixso iyo doorashooyin muran badan

14″ Agu” 2021″ Dhuusamareeb

Maamulka galmudug ayaa u dabaaldagay munaasabad lagu maauusay 15 guuradii ka soo wareegtay markii dhidibada loo aasay dhismaha maamulkaas .

Dabaaldaga waxaa dhinac socda dagaal adag oo deegaano ka mida maamulka ay ciidamadu kula jiraan dagaalamayaaaha alshabaab iyada oo dhinaca kalana uu socdo isu diyaarinta doorashooyinka aqalka goose markii intooda xubnaha aqalka sare la doortay khamiistii aynu ka soo gudubnay

Madaxweynaha galmudug axmed cabdi kaariye qoor,qoor ayaa u hambalyeeyay dadka reer galmudug meelkasta ooy joogaan

Doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Galmudug

Sidoo kale Wasiirka amniga galmudug axmed macalin fiqi ayaa Hambalyo u diray dadka reer Galmudug iyo ciidamadooda sanad-guurada 15aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Galmudug, isga oo hadal qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa ku yiri “

Waxaan sidoo kale u hambalyaynaynaa Aniga iyo mujaahid Macallim Mahdi taliyaha NISA Galmudug senatarada cusub ee ku metali doona golaha aqalka sare Dawladda Galmudug.

Munaasabadan ayaa ku soo beegantay maalin ka dib markii Galmudug ay ciidamo gurmad ah ay u direen dagaal ka socda duleedka Cadaado

Radio Kulmiye ayaa tabiyay sidan ” wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya duleedka magaalada Cadaado ayaa sheegaya in ciidamo aad u fara badab oo gurmad ah ay ka baxeen magaalooyinka Cadaado, Baxdo iyo Godinlabe ee ka tirsan gobolka Galgaduud.

Ciidamada ayaa ku wajahan aagga Cadakibir, oo dagaql culus uu ku dhexmaray ciidamada daraawiishta Galmudug iyo dagaalameyaasha Al-shabaab.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in haatan ay abaabul xooggan ay ka socdaan magaalooyinkaasi iyo deegaanada hoostaga.

Dhanka kale War qoraal ah oo ka soo baxay wasaarada amniga Galmudug ayaa lagu yiri

“Ciidamada daraawiishta Galmudug ee ku sugan deegaanka Cadakibir ee Gobolka Galgaduud ayaa iska caabiyay weerar ay galabta ku soo qaadeen kooxda argagixisada Shabaab, ayadoo wararka halkaas naga soo gaaraya ay sheegayaan in jab xooggan ay kala laabteen halkaas.
Kooxda argagixisada Shabaab oo dagaallo ay la galeen ciidamada Galmudug iyo kuwa qaranka labadii billood ee u danbaysay deegaanno badan looga qabsaday isla markaana jab xooggan oo dhan walba ah lagu gaarsiiyey ayaa isku dayaya in ay soo qa犀利士 adaan weeraro nafla-caari ah oo ay maleeshiyaadkooda si qasab ah lagu galinayo

Leave a Reply