Munaasabad meher oo dhaxmartay labada qaran ee Somalia & Djibouti

8″ December “2022

Munaasabadda meherka Xildhibaan Jeneraal Saadaq Cumar Xasan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Haybado Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta ka dhacday magaalada Jabuuti. 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka qeybgalay meherka, ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa dalka aan walaalaha nahay 犀利士 ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle sida maamuuska leh ee uu uga aqbalay doonista gabadhiisa Haybado Ismaaciil Cumar. 

Madaxweynaha ayaa xusay dhaqanka gacalnimada, islaamnimada iyo Soomaalinimada soo jireenka ah leh Isaga ku bogaadinayo walaalkiis Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo guddoonsiiyay gabadha uu abtiga u yahay. 

“Waxaa hore loo yiri rag waxa ugu han weyn ninka gabar nin dhalay yiraahda i siiya, waxaana ugu deeqsisan ninka siiya. Haybado Ismaaciil Cumar Geelle, waxaan ka doonaynaa abkeed, abtiyaasheed iyo aabbaheedba oo aan waydiisanayno in gabadha nala siiyo oo na loo meheriyo annaga oo ku taagan jidkii gacalnimada Islaamka iyo Soomaaliduba lahayd ee soo jireenka ahaa,” ayuu yiri Xasan Sheekh.  

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in walaalnimada dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti uu maanta ku kordhay gacal iyo xididnimo isagoo qoyska cusub Alle uga baryey in uu isu barakeeyo, kalana siiyo ubad iyo nolol wanaagsan, isagoo xasuusiyey qiimaha ay xanbaarsan yihiin midowgooda, maadaama ay isu guuriyeen labo Qaran oo walaalo ah, wadaagana dhaqan, dhiig iyo taariikh soojireen ah. 

Munaasabaddan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaareyaal Hore oo soo hoggaamiyey Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, masuuliyiin iyo madax ka mid ah goleyaasha Jamhuuriyadaha Jabuuti iyo Soomaaliya.

Leave a Reply