Munaasabada soo dhaweynta sharciga hay’ada NISA oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

19″ March “2023

Munaasabad taageero iyo soo dhaweyn loogu muujinayay sharcig犀利士 a hay’ada Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ayaa xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Ka qaybgalayaasha munaasabadda waxaa ka mid ahaa wasiirro, xildhibaanno, odoyaasha dhaqanka, dhallinyaro, haween iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, iyagoo amaanay hay’adihii kala duwanaa ee dowladda ee ansixiyay sharcigan.

Mas’uuliyiintii ka hadashay munaasabada ayaa isku raacay muhiimada ay dagaalka ka dhanka ah Shabaab uu u leeyahay sharcigan, waxeyna taliyaha NISA Mahad Salaad ku bogaadiyeen sida hay’adan uu uga dhigay mid sharciyeysan.

Si kastaba, 53 sano kadib ayey hay’ada NISA yeelatay sharci soo maray marxalado kala duwan, golaha wasiirada ayuu sharcigan ugu horeyn kasoo gudbay, kadibna labada aqal ee baarlamaanka, iyadoo madaxweyne Xasan ugu dambeyn uu 8-dii bishan saxiixay sharcigan kaasoo sidaasi dhaqan gal ku noqday.